Suldaanka Guud Ee Beelaha Jibriil Yoonis Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

Hargeysa-(Berberanbews)-Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ah Suldaanka Guud ee beelaha Jibriil Yoonis [Samaroon], ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka dib markii uu  ka soo laabtay safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.
Soo dhawaynta Suldaanka oo si heer sare ah loo qaban qaabiyay waxay qaybteedi ugu balaadhnayd ka dhacday Garoonka diyaaraddaha ee Cigaal international Airport oo Suldaanku ka soo degay fiidnimadii xalay, halkaas oo ay ku sugayeen boqolaal dad ah oo caasimadda, goboladda dalka iyo xitaa dalalka jaarka ah ka kala yimi, kuwaas oo si xamaasadaysan Suldaanka u qaabilay markii uu diyaarada ka soo degay.

Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo dhawaan beelaha Jibriil Yoonis ay ugu doorteen inuu noqdo Suldaanka Guud ee beelahaas, shir ka dhacay Magaaladda Qul-ujeed oo 60-km dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Boorama ayaa isagu ahaa nin muddo dheer ku noolaa qurbaha, waxaanay beeshu isla qaateen inuu u noqdo Suldaankooda guud, sida bayaan shirkaas ka soo baxay oo ay ku saxeexnaayeen 42-ka oday oo Ardaayada beelaha Jibriil Yoonis ka kooban. Laga bilaabo maalintaasna waxa uu noqday Suldaanka guud ee Beelaha Jibriil Yoonis.
Haddaba markii uu ka soo degay garoonka oo uu qadar ku nastay qaybta soo dhawaynta martida culus ee Madaarka ayuu Suldaanku dadkii soo dhawayntiisa ka qayb qaatay iyo xukuumada Somaliland uga mahad naqay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay dalka.
Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar mahad-naq ka dib waxa uu halkaa uga duceeyay guud ahaan ummadda Somaliland isagoo tilmaamay in suldaan ahaan waxa la gudboon ay tahay duco iyo mahad naq.
Hadalo kooban oo uu u jeediyay dadkii soo dhaweeyay iyo saxaafada waxaa ka mid ahaa, “Waxaan idiinka mahad-naqayaa, madax iyo shiciba sida diiran ee aad iigu soo dhawayseen dalka, waxaan idiin rajaynayaa guul, horumar iyo midnimo, dhamaan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto waxaan Illaahay uga baryayaa, Nabad, Guul, horumar iyo In Alle dhawro.”
Waxa uu intaa ku daray Suldaanku “Xukuumadeena Illaahay ha adkeeyo, nabadeena Illaahay kor ha u qaado, Illaahay ha barwaaqeeyo, Hargeysa, Boorama iyo Burco iyo meel kasta oo Somaliland ah, intiinan I soo dhawaysayna Illaahay ha idin guuleeyo, nin walba wuxuu jecel yahay ee khayr ugu jiro ha ku guuleeyo, waan idin salaamayaa, waxaan idiin rajaynayaa, Somaliland oo nabad ku waarta iyo xukuumada oo Alle inoo adkeeyo.” Ayuu yidhi Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar.
Suldaanka ka hor waxa halkaa ka hadlay afhayeenka Beelaha Jibriil Yoonis oo hadalo mahad-naq iyo soo dhawayn isugu jira ku soo dhaweeyay Suldaanka, Afhayeenka Beelaha Jibriil Yoonis waxa kale oo uu aad ugu mahad-naqay xukuumada Somaliland oo uu sheegay inay u suura galisay qaabilaada quruxda badan ee suldaanka, una fududaysay wixii ay adeeg uga baahnaayeen madaarka, amaanka dadkii soo dhawaynayay suldaankana sugtay, waxa kale oo uu u mahad-naqay dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo dhawaynta suldaanka.

Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ah nin aqoon-yahan ah mudo badana qurbaha ku noola, waxa si wayn loogu majeertaa doorkii uu ka qaadan jiray, midaynta iyo isku ururinta jaaliyadaha reer Somaliland ee qurbaha ku dhaqan, waxa kale oo kalin fir fircoon kaga jiray, qadhaanka iyo deeqaha dib u dhiska iyo horumarinta dalka ee qurba joogu ku soo caawiyaan wadanka.

Waxa soo dhawaynta suldaanka ka qayb qaatay Xildhibaano, salaadiin, Cuqaal, aqoon-yahano iyo dadweyne aad u tira badan oo gaadiid iyo tiraba ku buux dhaafiyay banaanka iyo gudaha madaarka, ka dibna waxa loo soo galbiyay Hudheelka Safaari oo loogu sii diyaariyay soryo casho, isla markaana uu xalay ku nagaaday. Waxa lagu wadaa in maanta loo galbiyo dhinaca magaaladda Boorama oo maalmihii u danbeeyayba ay ka socdeen diyaar garow balaadhan oo lagu soo dhawaynayo, ka dibna waxa loo gudbin doonaa Magaaladda Qul-ujeed oo si rasmi ah loogu caleemo saari doono. Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar waxa lagu wadaa inuu wax badan ka qabto xaaladaha beesha isla markaana uu u horseedo midnimo iyo wada-jir.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com