Maraykanka Oo Sheegay In Uu Dilay Ibrahim Afqhaan Oo Ahaa Ku-xigeenkii Ahmed Godane Ee Kooxda Al-shabaab.

Wargayska The Long War-Journal oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa daabacay in weerar ay dhowana fuliyeen Dayaaradaha Maraykanku ay ku dilaan Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo ka mid ahaa Ragga sar sare ee Kooxda Al-shabaab, Weerarka ninkaa lagu dilay ayaa ka dhacay deegaan la yidhaahdo Qandal oo u dhaw kismaayo 23-kii Bishii June. Ibraahim Afghan ayaa ku jir liiska Argagixisada uu Maraykanku ka baadigoobaayey Somalia, waxaana lagu tilmaamay inuu xubin fir fircoon ahaa, isla markaana uu ku soo tababartay dalka Afghanistan. Liiska uu ku jiray Ibrahim Afghan ee Al-Qaacidada ayaa tirsigiisu ahaa JTF-GTMO, kaasoo qeyb ka ahaa ragga sida culus uu Mareykanku uga baadi-goobaayey gudaha dalka Somalia.
Wararka ayaa waliba intaa raaciyey in weerarkaas isna lagu dhaawacay Nin lagu sheegay inuu ahaa Ku-xigeenkii Hogaamiyaha Al-Qaacida ee Bariga Afrika oo lagu magacaabo Bilal El-Berjaawi oo haystay dhalashada Ingiriiska, balse asal ahaan ka soo jeedo dalka Libnan. Sarkaal u hadlay FBI-da ayaa horay u xaqiijiyay in weerarkii lagu qaaday Qandal lagu bartilmaameedsaday ragg xidhiidh dhow la lahaa Hogaamiyaha Ururweynaha Al-Qaacida ee Jaziirada Carabta Sheekh Anwar Al-Awliki.

Ibraahim Afghan waxaa uu ka soo jeedaa Hargeysa (Somaliland) ma ahayn ragga fagaarayaasha lagu arki jiray ama is muujiya Muuqaal ahaan, wuxuu lahaa magacyo kala duwan oo uu ka howl geli jiray, sida Abuukar Al-Zaylici iyo Macalin Cali, Daraju ahaan waxa uu ahaa Hogaamiyaha Shabaabka ugu sareeyey deegaanada Jubooyinka laga soo bilaabo sanadkii 2008. Inkastoo aanay Maraykanka si dhab ah u cadayn inay dileen Ibrahim Afghan ayaa hadana Wakaaladaha wararka waxay aad u hadal hayeen in weerarkaasi uu ahaa mid Rag sar sare oo Al-shabaaba qaarana lagu dilay kuwa kalena lagu dhaawacay.
Fariin maqal ah oo uu dhowaan soo duubay Hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Godane ayaa waxaa uu ku qirtay in dagaaladii dhowaan ka dhacay Gobolada dalka lagaga qabsaday meelo muhiim ah laguna jabiyey Kooxdiisa, Mr. Godane ayaa carabka ku balaadhiyey khilaafka ka dhex aloosan Kooxdiisa, qirayna in Shabaabka dhexdiisa ay ku jiraan ragg basaasiin ah, kuwaas oo uu la jeedo Garab-ka isaga ka soo horjeeda ee uu hogaaminaayo Abu-mansuur Robow. Hadalka Ina-Godne ayaa u Muuqda Tawaawac iyo dhiilo culus oo ku jahaysan Ragga Xuddubta u ah Al-shabaab oo lala beegsanaayo dilal qoshaysan
By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com
Lifaaqan hoos yaala ka akhriso Warkii Wargayska War-Journal ee ka hadlaayey dilkii Ibrahim Afqhan.
http://www.longwarjournal.org/archives/2011/07/senior_shabaab_comma_1.php