Ma guursan kartid gabadh Dinga ah Hadii aanad Bixinayn 200 oo Lo’ ah!..”Suxufi 69 jir ah oo u dhashay dalka Koonfurta Sudan

Maxay Saxaafadda Koonfurta Sudan ka tidhi qaddiyadda Somaliland?
Jubba- (Berberanews)- James Akuk oo ah Suxufi 69 jir ah oo u dhashay dalka Koonfurta Sudan,oo sannadihii siddeetamaadkii magaalada Hargeysa uga warrami jiray Wakaalado-wareedyo, ayaa dadka reer Somaliland ugu baaqay inay sii wadaan dedaalka nabadgalyada iyo xasilloonida ay 20 sano soo wadeen, isla markaana u hawlgalaan sii xoojinta xidhiidhada ay la leeyihiin dawladaha Afrikaanka ah si ay u aqoonsadaan.
Mr Jemes, oo ah Suxufi in badan ku soo jiray warbaahinta kala duwan ee caalamka, xilliganna ka xubin firfircoon ka ah Warbaahinta Koonfurta Sudan, ayaa Cabdiweli Faarax Jaambiir waraysi kula soo yeeshay magaalada Juba ee Caasimadda Koonfurta Sudan oo uu wakhtigan Jemes deggan yahay, waxa uu kaga warramay dhaqammada iyo caadooyinka dadka Koonfurta Sudan ee hadda dunida ku biiray, qaabka ay Hablaha u kala guursadaan, Xaddiga Yaradka ee Gabadha Ninku ka bixiyo, sidii ay magaalada Hargeysa ahayd wakhtigii uu joogay 1982-kii oo qaxoonti badan oo ku soo barakacay dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku soo qulqulayeen gobolladii la isku odhan jiray Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Waraysigaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhacay sidan:
S: Maanta (Dharaartii ay madaxbanaanida qaadanaysay Koonfurta Suudaan) ka warran waxa aad dareemayso, maaddaama oo uu dalkaagu madax-bannaani qaadanayo?
J: Maanta waxaan dareemayaa farxad aad iyo aad u fiican. Dhammaan dadkuba aad ayay u faraxsan yihiin
S: Halgan dheer ayay muddo ku soo jireen Jabhadaha SPLA iyo SPLM, maxaad ka sheegi kartaa?
J: Wanaagsan, halganka iyo dagaalladii xorriyad-doonku way ka horreeyeen SPLA iyo SPLM. Laga soo bilaabo 1955-kii ayuu halganku soo bilaabmay, dabadeedna muddo ka dib waxa jiray Heshiiskii Addis Ababa. Toban sannadood ayaa markaa nabad la haystay, balse halgankani wuxuu mar labaad qarxay sannadkii 1983-kii, kaasoo socday illaa sannadkii 2005-tii.
S: Haddii uu dalkaagu immika madax-bannaani qaatay, waxa xaqiiqdii cid kastaaba dareemi karaysaa inay noloshu aad iyo aad qaali u tahay, markaa sidee ayaad u malaynaysaa inay dadka dabaqadaha kala duwani ugu noolaan karaan?
J: Horta dadku way kala xaalado duwan yihiin, dalkuna aad buu u wayn yahay, wuxuu xataa ka wayn yahay Kenya, Tanzania iyo Uganda oo laysku daro, markaa weli waxba kamaad arkin. Waa dal ballaadhan oo leh qaniimad fara badan oo aan weli la isticmaalin….wuxuu leeyahay shidaal fara badan, xoolo fara badan, dhulal badan oo ku haboon beeraha, isla markaana Roobabku aad bay ugu badan yihiin, markaa si wanaagsan ayaanu u awoodi karnaa joogtaynta nolosha hadiiba aanu immika dagaal jirin.
S: Dhinaca dhaqanka haddii aynu eegno, horta imisa qabiil ayaa dega dalkan Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan?
J: Annagu uguma yeedhno qabiilooyin, laakiin waxaannu ugu yeedhnaa jinsiyado, waxaanay noqonayaan 70 jinsiyadood (qabiil) oo mid kastaaba uu leeyahay luuqaddiisa, dhaqankiisa, caadadiisa iyo afkaarahooda-ba.
S: Marka laga hadlayo guurka, waxaan maqlay inuu dhaqankiinu aad u adag yahay, markaa maxay qofka ku qaadan kartaa inuu guursado gabadh?
J: Wanaagsan, taasi waxay ku xidhan tahay jinsiyadda ama reerka aad ka guursanayso. Qabaa’illada qaarkood waxaad bixinaysaa yarad aad u yar oo lacag ah. Qaar kale, waxa laga yaabaa inaad bixiso illaa 200 oo Lo’ ah, si aad gabadha u guursato. Markaa, waxay ku xidhan tahay in bulshada aad ka guursanaysaa ay Lo-da yaradka u bixiyaan iyo inkale. Laakiin, haddaad ka guursanayso bulsho Lo-du u tahay meeqaamka ugu sarreeya, waxay noqonaysaa inaad yaradka ku bixiso Lo’ keliya.
S: Adigu Lo’ miyaad leedahay?
J: Maya, anigu shaqsiyan ma lihi Lo’ laakiin degaanka aan ka dhashay way wada leeyihiin.
S: Bal waxaad ka warantaa haddii aanad Lo’ba lahayn?
J: Haa. Markaa waxaad gabadh ka raadsanaysaa bulsho aan Lo’ lahayn oo aan guurka u isticmaalin.
S: Markaa ma waxaad u jeeddaa, kama guursan karaysid Bulshada Dinga-ha?
J: Waxaad ka guursan kartaa keliya markaad Lo’ leedahay! Haddii aanadse Lo’ lahayn-ba kama guursan karaysid.
S: Haddii aan Lo’daa bixin karoba, immisa ayaan yarad u bixinayaa?
J: Wanaagsan, sidaan horeba kuugu sheegay, waxay ku xidhan tahay bulshda aad ka guursanayso, laga bilaabo 50 illaa 200 oo Lo’ ah.
S: Markaa Dinga-ha ayaa ah bulshada fasalka koowaad miyaa?
J: Maya. Ma jiraan wax loogu yeedho Kalaaska koowaad iyo……..Waxay la mid yihiin uun bulshooyinka kale, laakiin arrintu waxa weeyaan uun inay yihiin qabiilka ugu ballaadhan, marka loo eego beelaha kale. Waa sidaas uun, laakiin ma jiraan wax ay ku kala sareeyaan kuwa yar-yar.
S: Waxaad ii sheegtay inaad tobankii sannadood ee ugu dambeeyay wargeys ka shaqaynaysay iyadoo da’daadu aanay ka yarayn qiyaastii lixdameeyo, haddaba ka hor tobankaa sannadood maxaad ka shaqayn jirtay?
J: Anigu nolosayda waxaan ku soo qaatay Suxufinnimo. Waxaan ka soo shaqeeyay Idaacad ku taalla Khartuum, waxaan ka soo shaqeeyay Idaacad ku taalla halkan (koonfurta Suudaan), waxaan ka soo shaqeeyay Wargeysyo ku yaala Ingiriiska, waxaan ahaa weriye arrimaha Afrika uga warama BBC-da, markaa muddo aad u dheerayd ayaan warbaahinta uun ku soo dhex-jiray………..Waxaan xataa mar ka soo warrami jiray Hargeysa 1982-kii oo waqtigaas Soomaaliya ahayd……Anigana immika da’daydu waa 69 jir.
S: Hargeysa, waqtigaas yaad uga soo warrami jirtay?
J: Wararka ayaan muddo ka soo ururin jiray Hargeysa aniga oo la shaqaynayay Hay’adda World Vission, dabadeedna waxaan ku daabaci jiray Warside khaas ah dalka Kenya.
S: Sidee ayay waqtigaas Hargeysi kuula muuqatay?
J: Horta garanmaayo muuqaalka xilligan ee Hargeysa, laakiin markaa aad bay u koobnayd, waxaana meel kasta marayay dad qaxoonti ah oo ku baro-kacay dagaalladii waqtiggaas ka hor ka dhacayay Gobolka Ogaadeeniya ee Itoobiya, markaa may ahayn magaalo wayn haba yaraatee, balse waxaan jecelahay inaan immika imaaddo waqtiga soo socda.
S: Maxaad doonaysaa inaad u gudbiso bulshada Somaliland, maaddaama oo aad caasimadda xilligan ee Somaliland ahayd meel aad waqti dheer ka hor xilli ay Soomaaliya ka mid ahayd ka soo warrami jirtay?
J: Wanaagsan, dadka reer Somaliland-now waxaad waqti dheer ku soo jirteen kalsoonidiinna, nabadgelyo iyo xasillooni ayaad ku soo naalloonayseen marka laydiin eego Soomaaliya oo dagaallo iyo xasillooni-darro ay aafaysay muddo dheer. Markaa, waxaan idin leeyahay, nabadgelyadiinna sidaa u sii adkaysta, isla markaana dalalka Afrikaanka ah u bandhiga xaaladihiinna, waayo, waxaan aamminsanahay inay si degdeg ah idiin aqoonsan doonaan.
 
Sources Ogaal