Maamulka Shirkadda GULF PETROLEUM oo beeniyey warar kutiri-kuteen ah oo laga faafiyey Markab Shidaal u sida


Berbera-(Berberanews)- Masuuliyiinta Shirkadda GULF PETROLEUM, ayaa gaashaanka ku dhuftay warar ku-tiri-kuteen ah oo ku lid ah Markab Shidaal u sida Shirkaddooda, wararkaas oo ay sheegeen inay yihiin kuwo si qaldan loo galinayo bulshada oo lagu carqaladaynayo Shirkadda.
Maareeyaha, Guddoomiyaha iyo La-taliyaha dhinaca Shidaalka ee Shirkadda GULF PETROLEUM TRADING COMPANY, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Shirkadda ee magaalada Berbera, ayaa ka warramay Markabkaas hawsha qaybta iyaga ku xidhnayd iyo inta Markabka ku xidhan. Ugu horreyn Maareeyaha Shirkadda GULF PETROLEUM Maxamed Yuusuf Cismaan, oo shirkaa jaraadi ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu doonaynaa inaannu bulshada fahansiinno sida xaqiiqadu tahay, isla markaana ka saarno warar kutiri-ku-teen iyo borabagaando ah oo dad aannaan ujeeddadooda garan karini dadweynaha la dhexmarayaan, wararkaas oo la leeyahay GULF PETROLEUM Shidaalkeedu ma soo socdo iyo way jilmadday, markaa waxaannu bulshada u sheegaynaa in Shidaalkayagi soo socdo, isla markaana imanayo.”
“Mid baa jirta oo hawshan aannu haynaa waa hawl culus, isla markaana qaybi annaga nagu xidhan tahay qaybina aanay nagu xidhnayn, qaybta annaga nagu xidhani waa inaannu Shidaalkii soo iibsanno, tayadiisii eegno, Markab ku soo rarno, ta labaadna waxa weeyaan Markabkaasi cidda wadata ayey ku xidhan tahay oo inta maalmood ee uu soo socano iyo ammaankiisu ciddaas ayey u taallaa. Maantana waxa jirta xaalad innagu cusub oo dunida gebageedi waxay wadnaha farta kaga haysaa Budhcad-badeedda, sidaa daraaddeed, Maraakiibtu way bakhtiiyaan Isgaadhsiintooda dhawaanahan, si aanay Budhcad-badeedda Taarkoodu u soo qaban oo aanay u ogaan halka uu marayo Markabkaasi. Sidaa daraaddeed, Markabkani markii uu Jabuuti ka soo goostay wax yar ka dibba Isgaadhsiinta ayuu bakhtiistay, dabadeedna badda dhexdeeda ayuu xalay u hoyday, waanu imanayaa Dekadda Berbera, laakiin ma sheegi karno saacadda uu ku soo beegan yahay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.
Maareeyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Annagu ma khasbi karno ninka Markabka wata oo ma odhan karno saacaddaa kaalay Berbera, sababta oo ah annagu Shidaalka ayaannu leenahay, isaguna Markaba ayuu masuul ka yahay oo wuxuu ilaalinayaa nabadgalyada Markabka, sidaa daraaddeed, waa wax Bad ku jira, Baddeennana cabsi badan ayaa ka haysa oo waa markii koobaad ee uu Markabkani Somaliland Shidaal u soo qaado, waxaanu ku soo beegmay xilli Markab kale oo Shidaal Somaliland u soo siday Budhcad-badeeddu afduubtay oo warkii wuu la socdaa, markaa cabsidaas ayaa jirta, annaguna meesha kama saari karno.”
Maxamed Yuusuf, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin wararka suuqyada lagu faafinayo, isla markaana cidda jecel inay u gurmadaan bulshada dhan ee Shidaal yaraanta ba’ani hayso ee Somaliland ay guntiga u xidheen, sidaa daraaddeedna ay mar walba iyagu jecel yihiin inuu soo dhakhsado shidaalkoodu oo uu wax ka taro dhibaatada shidaal yaraanta ee dalka ka taagan.
La-taliyaha Shirkadda GULF PETROLEUM u qaabbilsan arrimaha Shidaalka iyo socodka Badda, Cabdiqaadir Maxamed Col-haye, oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in Markabkaasi Dekadda dalka Jabuuti ka soo goostay Khamiistii dorraad, isla markaana Agaasimaha guud ee Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle iyo isagu la xidhiidheen Maareeyaha Dekadda Berbera. “3:00-dii galabnimo ee Khamiistii oo Agaasimaha Maamulka Haamuhu la xidhiidhay Maareeyaha Dekadda waxa uu u sheegay in Raadaalka Dekadda Berbera qabtay Markabka oo 80 Mayl ka soo socday Dekadda Jabuuti, isla markaana uu taagan yahay Badda dhexdeeda, sidaa daraaddeedna uu yahay Gaadiid Bad ku jira oo aan la sugi Karin saacadda kama-damaysta ah ee uu Berbera soo gaadhi karo, hase ahaatee, laga war-sugayo wakhtiga uu la soo xidhiidho qaybta kaantarroolinka Gaadiidka Badda ee Dekadda Berbera oo Stime time (wakhtiga lagu qiyaasayo) imashadiisa ay wax iska beddali karaan. Markaa, Markabkaasi wuu soo jeedaa, goortii Illaahay yidhaahdo ayuunbaanu inna soo gaadhayaa.” Sidaa ayuu yidhi La-taliyaha dhinaca Shidaalka ee Shirkadda GULF PETROLEUM Eng. Col-haye.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Shirkadda GULF PETROLEUM Guuleed Jaamac Faarax, ayaa sheegay in warbixintii u dambaysay ay Markabka ka helaan 4:00-tii galabnimo ee Jimcihii shalay. Mr. Guuleed oo arrintaa ka hadlayaana wuxu yidhi; “4:37 (afartii iyo toddoba iyo soddon daqiiqo) ee galabnimadii maanta (shalay) ayaannu la xidhiidhnay kabtanka Markabka oo markaa ay Isgaadhsiintu u furnayd, waxa uu noo sheegay inuu nabad-qabo, isla markaana uu u soo jeedo dhinaca Dekadda Berbera, hase ahaatee marka uu Berbera u soo jiro 35 Mayl uu la soo xidhiidhi doono qaybta kaantarroolinka ee Dekadda Berbera, balse inta kale Isgaadhsiinta ay iska xidhayaan oo aanay isticmaali doonin, Cabsida ay Budhcad-badeedda ka qabaan awgeed.”
“Waxaannu dadweynaha u sheegnay markii aannu shirkadda furnay 1-dii June, in Shidaalkayagu iman doono bisha July gudaheeda, waxaannu mar dambe u sheegnay inuu iman doono 18 July sannadkan 2011-ka, markaas oo aannu ogeyn in Markabku Jabuuti soo istaagay, isla markaana aanay jirin wax cabsi ah oo ku cusbayd Badda, balse Markabka la afduubay Cabsi ku soo kordhiyey Kabtankii Markabka, sidaa awgeedna uu taxadir badan geilyey socodkiisa, isgaadhsiintiina iska xidhay, iyada oo hadda Maraakiibtu marka ay Badaha Ganacka iyo Xeebaha Soomaalida ku soo dhawaadaan iska xidhaan isgaadhsiinta si aanay uga warhelin Budhcad-badeeddu. Markaa, waxaannu maantana bulshada u sheegaynaa inaanay dhag u dhigin wararka borobagaandada ah ee war-xuma-tashiilku wado, balse ay warkayaga dhagaystaan maaddaama oo aannu nahay cidda hawshan wadda ee ay wax ka go’aan, waxa kalena u arkaan war laydhu siddo.” Ayuu yidhi Guuleed, waxaanu sheegay in haddii Illaahay yidhaahdo maalmaha soo socda ay baahida shidaal ee dalka ka jirta wax badan ka tari doonaan. Waxaanu u mahadceliyey Xukuumadda iyo Bulshada reer Somaliland, oo uu ugu baaqay inay samir u yeeshaan inta uu soo istaagayo Markabka Shidaalka u sida Shirkaddooda.