Guddiga Fulinta ee Xisbiga UCID oo shaaciyey in Guddi Ku-meel-gaadh ah loo dhiibayo hoggaaminta Xisbiga

 
Hargeysa(Berberanews)- Guddiga fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa shir ay maanta yeesheen ku go’aamiyey in Guddi ku-meel-gaadh ah loo dhiibo hoggaaminta Xisbiga UCID, ka dib markii ay ka fadhiisteen muddo-xileedka Guddoomiyaha Xisbiga oo ku dhammaanaysa 28-ka bishan aynu ku jirno, iyada oo shirweynihii hoggaan cusub lagu dooran lahaana dib loo dhigay 45 cisho.

Sidaa waxa lagu shaaciyey War-Saxaafadeed ka soo baxay UCID oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Muuse Maxamuud Guuleed (Muuse-Inji). Waxaanu qoraalka war-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
 
“Go’aan Xisbi: Maanta oo ay taariikhdu tahay July 24, 2011 waxaa xarunta dhexe ee xisbiga UCID shir ku yeeshay Gudidda Fulinta Xisbiga UCID waxaanay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:
 
v Si loo sugo jiritaanka , midnimada iyo sharcinimada hogaanka Xisbiga in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Xisbiga muddo aan ka badnayn shan iyo afartan cisho oo ka bilaabanta maanta oo taaiikhdu tahay 24.7.2011 iyada oo ay ahayd in shirweynaha la qabto ugu dambeyn 27.7.2011.
 
v In shirweynihii Xisbiga lagu qabto Hargeysa  maalinta Arbacada iyo Khamiista , 7-8 Sept 2011, Sida ku cad Qod. 10 Faq. 4aad ee Xeerka iyo Qaab Dhismeedka Xisbiga UCID.
 
v In la magacaabo guddida qabanqaabada shirweynaha Xisbiga UCID
 
v Waxa xubnaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga asal u ah liiskii ugu dambeeyey ee ansixiyey Xeerka Xisbiga, Musharaxa Maxwaynaha iyo Ku-xigeenka.
 
v Maadaama xilka hogaanka Xisbigu dhamaanayo 28 July, 2011 oo  ay ku egtahay mudada xilka gudoomiyaha hadda ee Xisbiga UCID isla markaana uu  xeerka Xisbigu ku xadeeyey muddo-xileedka Gudoomiyaha laba jeer oo keliya sida ku cad qodobka 25aad faqradiisa 3aad, ay si ku meel-gaadh ah u sii wadayso hawlaha xisbiga Guddi ku meel gaadh ah inta uu qabsoomayo shirweynaha 3aad ee Xisbiga. Gudigaas oo magacyadoodu yihiin sida hoos ku qoran.
 
 
Magaca Xilka
 
Aadan Maxamed Mire (Waqaf)                             Gudoomiye ku meel-gaadh ah
Axmed Xuseen Fagfagaash                                   G/X/Koowaad ku meel-gaadh ah
Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)                      G/X/labaad ku meel-gaadh ah
Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Dheere)                     G/X/saddexaad ku meel-gaadh ah
Profisor Abdiraxmaan X. Saalax                           G/X/afraad ku meel-gaadh ah
Muuse X. Maxamuud Guuleed (Inji)                     Xoghayaha Guud
Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro)             Ku Xigeenka Xoghayaha Guud
 
Waxa la farayaa dhamaan Hawl-wadeenadda iyo xubnaha Xisbiga ee Gobollada, degmooyinka iyo laamaha Dibaddaba inay ku dhaqmaan una hogaansamaan qodobadan kor ku xusan. Go’aankan waxa gaadhay xubnaha guddiga fulinta ee magacyadooda iyo saxeexyadoodu hoos ku qoran yihiin.”