“Maayar Cabdalle Meel kale kamuu iman ilaa Xukuumadii hore wuu Joogay , waxqabadka balaadhan ee uu Sameeyey waa laga shaqaysiiyey..Xoghayaha Golaha Dhexe ee kulmiye Mustafe-waxdad


Birmingham-(Berberanews)- Xogahaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Kulmiye  Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe-waxdad), ayaa sheegay in waxqabadka Maayarka Berbera muddooyinkii u danbeeyay ka sammeeyay magaalada ay sabab u tahay wada-shaqayn fiican oo dhexmartay masuulliyiinta cusub ee gobolka Saaxil iyo madaxbannaani buuxda oo shaqadiisa loo siiyay.

Xoghayaha Golaha dhexe waxa uu sidaa ka sheegay kulan sagootin ah oo ay habeen hore u sammeeyeen jaaliyadda magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska oo uu muddo ku maqanaa, isagoo xog-waran ku saabsan xaaladda uu dalku marayo iyo fursadaha qurbo-jooga uga bannaan inay ka faa’iidaystaan.
“Maayar Cabdalle Meel kale kama uu iman ilaa xukuumadii hore wuu joogay , waxqabadka balaadhan ee uu sameeyey waa laga shaqaysiiyey ,maanta wadooyinka cusub iyo mashariicda badan ee aad ka warhaysaan waxay ku timi wada-shaqayn fiican oo ay yesheen Masuuliyiintii kale ee goboolka Saaxil, madaxbanaani uu shaqadiisii u helay iyo weliba faragelintii lagu hayey oo iyaduna ka baxday gebi ahaanba meesha ka baxday, maayorada kale iyagana waa sidaas oo kale ayey horumar balaadhan u sameeyeen.” Ayuu yidhi Mustafe-waxdad.
Xoghayuhu waxa uu qurbojooga u soo jeediyay inay mashaariic maalgelineed ka hirgeliyaan dalka, waxaannuu yidhi, “Waan ogahay inaad kaalin mihiima kaga jirtaan wadanka, hadana waxaan door bidayaa inaad idinku ka muwaadin ahaan iyo dadkeena gudaha joogaaba  awoodiina isku darsataan oo aad samaysataan shirkado intii shisheeye ina maalgalin lahaa, wixii  taag loo waayo waa lama huraan in la soo jiito maalgashiga shisheeye.”

Berberanews.com
Email, info@berberanews.com