Hoggaanka Xisbiga UCID Oo Garabyo U Kala Jabay iyo War-saxaafadeedyo Is-khilaafsan Oo Ka Soo Baxay



 
Hargeysa(Berberanews)- Hoggaanka xisbiga UCID, ayaa u kala jabay laba qaybood oo iska soo horjeeda, ka dib markii maanta garab uu hormood u yahay Guddoomiyaha Barlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdllaahi (Ciro) ay soo saareen war-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay Xoghayaha xisbiga Muuse Maxamuud Guuleed (Inji) lagu sheegay magacyada guddida qabanqaabada shirweynaha saddexaad ee xisbiga oo muddo dhaafay ay magacaabeen guddi hoggan ka noqota xisbiga inta shirweyne laga qabanayo.
Dhinaca kale, war-saxaafadeed goor danbe ka soo baxay garab uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal-Cali Waraabe lagu shaaciyay magacyada xubno aan miisaan badan ku lahayn xisbiga oo loo magacaabay qabanqaabada shirweynaha xisbiga UCID oo la sheegay in la qaban doono 26/07/2011.
war-saxaafadeedka garabka hogaanka C/raxmaan Ciro iyo Aadan Waqaf  maanta kasoo saareen  xarunta dhexe ee xisbiga UCID, wuxuu  u dhignaa sedan:- “Maanta oo ay taariikhdu tahay July 24, 2011 waxaa xarunta dhexe ee xisbiga UCID shir ku yeeshay Gudidda Fulinta Xisbiga UCID waxaanay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:
Si loo sugo jiritaanka , midnimada iyo sharcinimada hoggaanka Xisbiga in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Xisbiga muddo aan ka badnayn shan iyo afartan cisho oo ka bilaabanta maanta oo taaiikhdu tahay 24.7.2011 iyada oo ay ahayd in shirweynaha la qabto ugu dambeyn 27.7.2011.
In shirweynihii Xisbiga lagu qabto Hargeysa maalinta Arbacada iyo Khamiista , 7-8 Sept 2011, Sida ku cad Qod. 10 Faq. 4aad ee Xeerka iyo Qaab Dhismeedka Xisbiga UCID.
v In la magacaabo guddida qabanqaabada shirweynaha Xisbiga UCID
v Waxa xubnaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga asal u ah liiskii ugu dambeeyey ee ansixiyey Xeerka Xisbiga, Musharaxa Maxwaynaha iyo Ku-xigeenka.
v Maadaama xilka hogaanka Xisbigu dhamaanayo 28 July, 2011 oo ay ku egtahay mudada xilka gudoomiyaha hadda ee Xisbiga UCID isla markaana uu xeerka Xisbigu ku xadeeyey muddo-xileedka Gudoomiyaha laba jeer oo keliya sida ku cad qodobka 25aad faqradiisa 3aad, ay si ku meel-gaadh ah u sii wadayso hawlaha xisbiga Guddi ku meel gaadh ah inta uu qabsoomayo shirweynaha 3aad ee Xisbiga. Gudigaas oo magacyadoodu yihiin sida hoos ku qoran.
Magaca Xilka
Aadan Maxamed Mire (Waqaf) Gudoomiye ku meel-gaadh ah
Axmed Xuseen Fagfagaash G/X/Koowaad ku meel-gaadh ah
Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) G/X/labaad ku meel-gaadh ah
Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Dheere) G/X/saddexaad ku meel-gaadh ah
Profisor Abdiraxmaan X. Saalax G/X/afraad ku meel-gaadh ah
Muuse X. Maxamuud Guuleed (Inji) Xoghayaha Guud
Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) Ku Xigeenka Xoghayaha Guud
Waxa la farayaa dhamaan Hawl-wadeenadda iyo xubnaha Xisbiga ee Gobollada, degmooyinka iyo laamaha Dibaddaba inay ku dhaqmaan una hogaansamaan qodobadan kor ku xusan.
War-saxaafadeedka ka soo baxay garanka taageersan Guddoomiyaha xisbiga ayaa u dhignaa sidan, “
Shir dagdag ah oo ay maanta yesheen xubnaha guddida fulinta ee xusbiga UCID isla markaana u hogaminayey guddomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Warabe aya waxa u magacabay Guddidi qaban qabada Shir-waynaha Xisbiga UCID oo dhacaya 26/07/2011.oo ka qabsoomi doona magalada Hargaysa wana sidan xubnaha guddida qaban qabada :
 
1: maxamed ibarhiim aadan……..Guddomiye
2: Cabdinasir Yusuuf Cismaan qodaax. ……Guddomie ku xigeen
3: Maxamuud Cali Jiir …..Xoog-haye
4: maxamed xasan shabash ….Xubin
5: Xuseen Xasan Badmaax …..Xubin
6: maxamed Koore …..Xubin
7:Qareen Siicid Geel-jire …Xubin
8: Axmed Maxamed Faraax Shiine …Xubin
9:Cabdi
10:Xaliimo Cismaan Raage ..Xubin
11: Nimco Cartaan…..Xubin
12: Iilhaan Cumaar Jaaquur …Xubin  “
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berbera