Kursiga Guddoomiyaha Guurtida Hala Siiyo Reer Sool



Burco-(Berberanews)- Marka hore waxa aan aan salaamayaa shacabka reer Somaliland iyo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), anigoo ka mid ah ganacsatada Somaliland, gaar ahaan mulkiilaha hudheelka Cigaal ee magaalada Burco waxaan doonayaa in aan wax ka iftiimiyo gogasha nabadeed ee madaxwaynuhu u fidiyay beesha gobolka sool iyo sida loo dawayn karo tabashooyinka jira.

Waxaan aad ugu faraxsanahay sida xilkasninamada leh ee madaxwaynuhu isugu hawlay nabadgalyada dalka ee cidwalba wixii aay tabanayso miiska wada hadalka in lagu dhameeyo ay diyaarka ugu tahay xukuumadiisu, haddii aan u daadego dulucda qoraalkayga oo aan ka hadlo sida ugu haboon ee tabashada reer Sool lagu dawayn karo waxaana ugu wayn ee inta badan tabashadaasi ku salaysan tahay saami qaybsi aanay si wayn uga dhux muuqan mansabyada ugu sreeya ee maamulka sida 1-kursiga gudoomiyaha baarlamaanka 2-kursiga gudoomiyaha guurtida,waxa kale oo aan dareemayaa in aan wasaaradihii waawaynaa aan waxba laga siin oo ay ka qayanyihiin.
 
Hadaba, maadaama ay reer Sool ka madhanyihiin mansabyada aan soo sheegay ee waxa aan madaxwayne kugula talin lahaa in kursiga golaha guurtida la siiyo beeshaa Sool taasina waxbadan bay ka taraysaa tabashadii reer Sool,  bal dib u xasuuso madaxwayne xilligii dawladii marxuun Maxamed xaaji ibraahin cigaal kursiga gudoomiyaha baarlamaanka wuxuu ahaa nin reer Soola  xataa wasaarado muhiima ayaay hayeen,  haddaba maanta suurta gal maaha inay helaan kursiga Wakiilada oo doorashay ku yimaadeen laakiin ka golaha guurtidu waa suura gal oo Saleebaan Maxamuud Aadan siduu ku yimid waa la ogaa,.
 
Madaxwayne waxaan kuu soo jeedinayaa  in aad kursigaaGuurtida  u soo xisho xubin xilkas ah, ruugcadaa siyaasadeedna ah oo golahaa majaraha u qaban kara oo ka soo jeeda Sool, si kastaba ha ahaatee wixii maanta Somaliland badhitaaraya nabadgalyadeeda ,midnimadeeda, tisqaadkeeda iyo horimarkeeda waa in mudnaata kowaad la siiyaa.
odayga ruugcadaaga ah ee Saleebaan Maxamuud Aadan waxaan ka rajaynayaa in uu danta Somaliland ka horu marin doono waxwalba taariikhduna ay xusi doonto geesinmadiisa, muwaadinamadiisa, waxqabaxkiisii iyo waliba halgankii dheeraa ee uu naf iyo maalba ugu huray sidii Somaliland aay dib ugula soo noqonahayd xornimadeeda.
qalinkii
Sulub Daahir Bulaale
Burco gobolka togdheer
Ssomaliland