Murankii Garabyada Xisbiga UCID U Kala Jabay Oo Cirka Isku Shareeray, Eedo iyo Aflagaado Lays-weydaarsaday iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ciidan Dhoobtay Xafiisyaddoodii



Hargeysa-(Berberanews)- Murranka u dhexeeya garabyada iska soo horjeeda ee uu u kala jabay xisbiga mucaaridka UCID, ayaa circa isku shareeray ka dib markii dhinacyadu saxaafadda isku weydaarsadeen aflagaadooyin midba ka kale u jeediyay.

Garabyadan is-haya oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal-cali warabe iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saaka saxaafadda goobo kala duwan kula hadlay, ayaa midba ka kale cambaarayn iyo aflagaadooyin u jeediyay, islamarkaana dhinc kasta ku adkaysanayo inay sharciyad ku taaganyihiin.
Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa  ciidan boolis ah dul dhigtay xafiisyada kala duwan ee xisbiga UCID ku leeyihiin magaalada Hargeysa, iyadoo ammar lagu siiyay garabyada is-hayaa inaan midkoodna loo ogolayn inay fooda soo geliyaan xafiisyada, taasoo haddii ay dhacdo laga cabsi qabo iska hor imaad ammaanka khalkhal gelin kara oo dhexmara.
 
Guddoomiyha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa xaafadaha Hargeysa ka soo ururiyay kooxo dhallinyaro ah oo uu basas u soo kireeyay si uu u muujiyo awoodiisa taageero ee uu haysto, kuwaasoo lulayay sawirka Guddoomiyaha, kuna dhawaaqayay weedho ka dhan ah garabka ka soo horjeeda.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali oo maanta shir jaraa’id  ku qabtay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa waxa uu ku eedeeyay khilaafka xisbiga inuu  ka dambeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).“Waxa jirtay in baryahaba uu gudoomiyha golaha Wakiiladu uu lahaa xisbiga aniga hala igu wareejiyo, haddii KULMIYE uu isku wareejiyey heshiis ayey ku ahaayeen oo ay kala saxeexdeen, markaa meel aanu anagu (UCID) heshiis ku galnayna may jirin,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu
Waxaanu intaasi ku daray “Sharcina ma hayaan waxaad moodaa in laysku soo abaalulay hab beeleed oo dad uu Cirro soo ururdaday oo ay isku beelo yihiin ay meesha waxan (qaskan) ka wadaan.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Wakiilada inuu soo urursaday dadkii sababay inuu xisbigu ku guul daraysto doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee 2010-ka waxaanu yidhi “Cabdiraxmaan waxa uu urursaday dadkii xisbiga sababta u ahaa inuu dhaco ee aan waxba cod u keenin, waxaas oo dhanna isagaa ka dambeeya.”
Dhinac kalena, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Ku xigeenka Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), ayaa isagoo ka jawaabayay hadalka ka soo yeedhay Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay inuu la mid yahay lacagtii giimbaarta Burco laga bedelay, isagana wakhtigiisii dhammaaday.
“Guddoomiyihii hore waa saaxiibkay oo toban sanadood ayaan la soo halgamayay oo caayi maayo, waxaan leeyahay lacagtii Burco laga bedelay waxa la yidhaahdaa Giimbaar, saaxiibkay Faysal Cali Waraabe-na waxa uu noqday Giimbaar oo waa la bedelay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo maanta ka hadlayay shir balaadhan oo Hoggaanka ku meel gaadhka ah ee xisbiga UCID ay ku qabteen Huteelka Guulleed ee Magaalada Hargeysa.
“Saaxiibkay waxa ka soo hadhay dhawr kalmadood waxaana ka soo hadhay Aniga…Aniga, saaxiibkay wuxuu leeyahay xisbiga waan iskaga tagi lahaaye’e cid aan ku aamino ayaan la’ahay dadka ila jooga oo dhami waa xashiish. Xataa Guddoomiyihii hore waxa uu leeyahay qarankan Somaliland la yidhaahdo cid aan ku aamino oo ka naxaysa oo joogtaaba ma jirto ayuu leeyahay waxaan u malaynayaa inay taasi qaranka meel ka dhac ku tahay.”
Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu intaasi raaciyay “Saaxiibkay waxa uu shalay cambaareeyay Guddidii fulinta ee shirtay waxaanu u tagnay Guddoomiyaha anagoo ixtiraamayna waxaanu geynay qoraal aanu kaga codsanayno inuu qabto shirkii billaha ahaa ee Guddida fulinta ee xeerka ku qornaa. Waxa uu hadalkiisii ku bilaabay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ma aqoonsani, Guddoomiye Ku Xigeenada 2-aad iyo sadexaadna ma aqoonsani.”
“Maanta wuu hadlay ayaa la yidhi Faysal Cali oo wuxuu yidhi xisbiga anigaa iska leh xisbiguna waa xisbi reer Hargeysa ah. Waar miyaanu xisbigu ahayn xisbi qaran? Soo kuwan goboladii oo dhammi fadhiya. Waxaanu leenahay xisbiga UCID waa xisbi qaran.”
“Shirkii dhacay shalayto shir beeleed muu ahayn, wuxuu ahaa shir \guddi fulineed oo xisbimid qof soo abaabulay muu ahayn ee waa shirkii bilaha ahaa ee Guddida fulinta.Guddoomiyihii hore waxa uu shirkayagii ku sifeeyay inaanu nahay SSC. SSC waa reer Somaliland,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro .
“Afartii nin ee xalay ka hadlayay TV-ga waxaanu leenahay xisbiga ayaad ka tirsan tihiin, cid idinka saartay ma jirtee idinku ha falaagoobina ee xisbigii wuu idin sugayaa,”ayuu yidhi C/Raxmaan Cirro.
Guddoomiyaha sida ku meel gaadhka ah shalay loo magacaabay ee Xisbiga UCID Md. Aadan Mirre (Waqaf) , ayaa sheegay in go’aanka ay shalay gaadheen yahay mid badbaadinay xisbiga “Go’aankii shalay ka soo baxay Guddida fulinta ee xisbiga UCID waa go’aan taariikhi ah oo ka turjumaya dareenka taageereyaasha waana go’aan badbaado u ahaa xisbiga.go’aankii xisbigu waxa kale oo uu hiil u ahaa dimuqraadiyada xisbiga dhexdiisa,”ayuu yidhi Md. Aadan Waqaf.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com