Urur ay Ku Bahoobeen Qaar Ka Mid Ah Jaaliyadda HaweenkaHoland Oo Deeq Gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Berbera

Berbera-(Berberanews)- Urur ay ku bahoobeen haween ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Holand oo lagu magacaabo “Hooyo waa Lama huraan” oo qayb ka ah dallad ka dhisan dalkaas oo la yidhaahdo “Nomad” ayaa deeq isugu jirta lacag iyo maacuun soo gaadhsiiyay cisbitaalka dhimirka Berbera.

Kooxda haweenka ah ee deeqdan soo gaadhsiiyay cisbitaalka dhimmirka waxa hor kacayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka baddaha Cabdiraxmaan Cawil Xasan waxay guddoonsiiyeen cisbitaalka dhimirka lacag dhan laba kun iyo shan boqol oo dollar ($2500) ,  agabka Cuntada loo isticmaalo ee maacuunta ah, Telefiishan iyo foostooyinka  biyaha lagu kaydiyo ah oo uu ka guddoomay Maamulaha Cisbitaalka dhimmirka Dr. Cali Aadan Wacays iyo Guddoomiyaha Gudida cisbitaallada Berbera Mustafe Cali Cumar.

Haddaba, ka hor intii aanay haweenkani wareejin deeqdan ay ugu talagaleen dadka xiska waxa uga dhiman yihiin  waxay kormeer ku mareen dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay Cisbataalka dhimirka ee magaalada Berbera iyagoo goobkasta warbixin ka siinaayay Gudoomiyaha Gudida Cisbataalada magaalada berbera Sheekh Mustafe Cali Cumar iyo masuuliyiinta iyo Maamulaha Cisbitaalka Dr Cali Aadan Waceys, waxaanay masuuliyiintaasi ururkan haweenka ee uu horkacaayay Agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysigu usheegeen in cisbataalkan uu yahay mid ku socda Kaalmooyinka ay siiyaan dadka ku dhaqan dalka gudihiisa iyo debediisaba iyaga oo sheegay in ay Kaalamada ugu badanina uga timaado dhinaca jaaliyadaha debeda.
Agaasimaha Wasaarada kaluumeysiga iyo Khayraadka badda Cabdiraxmaan Cawil Xassan, ayaa mahadnaq ballaadhan u diray haweenka  deeqda soo diray, waxaana hadaladii agaasimaha kamida aha “Marka hore waxa aan umahad celinayaa ururkan haweenka ee Hooyo waa lama huraan ee walaaladooda xanuunsanaya deeqda ugala soo boqoolay wadankaa Netherland ee aynu ognahay masaafada uu inoo Jiro waxaanan leeyahay waad ku mahad santihiin deeqdaa aad walaaladiin ugu deeqdeen, halkii aad ka soo saarteen xasanaad ilaahay ha idiinku bedelo, waxanan leeyahay deeqdiina Halkaa haku joojininee wixii aad ugu deeqii kartaan dadkiina iyo dalkiinaba waa laydiinka fadhiyaa waana waajib ina wada saaran.”

Gudoomiyaha ururka haweenka ee Hooyo Waa lama huraan Marwo Foosiya Maxamed Xassan, ayaa faahfaahin ka bixisay deeqda ay u sidaan cisbitaalka dhimirka,  waxaana hadaladeedii kamida aha “Horta waa waajib in keena Xanuunsanaya aynu caawino wixii aynu kari karnana aynu ugu deeqno anaguna waxa aanu wadanka Unimi in aanu ka qeyb qaadano deeqaha la siinayo dadkaa ilaahay xiskooda ka qaaday waxaananu Manta halkan ku sidnaa dhamaan qalabka maacuunka raashinka lagu kariyo oo dhameystiran macaa Weelkii cuntada lagu siinayay iyo taangigii biyaha oo labaatan foosto qaadaya.
waxa kaloo iyana aanu Sidnaa hal television oo aanu isna ugu talagalay in dadkaa lagu maaweeliyo ileen waa dad iska xidhane Si Aanay xabsi u dareemin waxoogaa kharashana waanu usidnaa.
Goobtana waxa ka muuqata in ay tahay Meel aad looga shaqeeyay oo habeysan runtiina marka aanu eegnay istoodhkooda iyo sida dadka loo daryeelayo waa meel dadka lagu xanaaneeyo oo wanaagsan waxaananu jecelahay in aanu markasta ka Qeyb qaadanao wixii tabarucaada ee loo geysanayo dadka buka.” Ayay tidhi Foosiya
Cibaado Xirsi Warsame oo ka mida ururkan Haweenka ee Hooyo waa lama Huraan, ayaa  sheegtay in caawimada dadka xanuunsanayaa ay tahay waajib, waxaanay intaa ku dartay  In ay deeqdani noqon doonin tii ugu danbeysay ee ay wixii ay karaan ugu soo deeqi doonan Walaalohooda dhimirka.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com