Mujaahid Tallaabo oo si heer qaran ah maanta loogu aasay magaalada Hargeysa

Hargeysa(Berberanews)- Marxuum Yuusuf Ciise Ducaale(Tallaabo), ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Qabuuraha Naasa-hablood ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii 23 July uu ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo looga soo duuliyay garoonka diyaaradaha Berbera.

Marxuumka oo habeen hore maydkiisa la keenay magaalada Hargeysa, waxa aaskiisa ka soo qaybgalay Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, Madaxda Axsaabta Qaranka, Wasiirro ka tirsan xukuumada, Madax-dhaqameedyo iyo dadweyne tiro badan, kuwaasoo ka tiiraanyaysnaa geerida ku timi Marxuum Tallaabo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay Salaadii jinaasada ka dib warbaahinta la hadlay, waxa uu tacsi u diray shacabka reer Somaliland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxaanu sheegay inuu ku suntanaa marxuumku taariikhda halgankii dalka loo soo galay. “Waxaan tacsi u dirayaa Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, xaaska, carruurta iyo eheladii uu ka baxay ninkaas inagu waynaa ee Yuusuf Ciise Tallaabo, waxaanan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno siiyo, inagana samir iyo iimaan inaga siiyo. Halgankii Somaliland ay mar labaad xornimadeeda u soo gashay wuu ku suntan yahay Yuusuf, halgankaas taariikh wayn buu ku leeyahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, anha ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, ayaa isna tacsi u diray qoyskii Mujaahid Tallaabo ka baxay, isla markaana waxa uu sheegay inuu ahaa halgamaa naftiisa u huray qarannimada iyo jiritaanka Somaliland. “Yuusuf waxa uu ahaa nin cimrigiisa ku dhamaystay halgan oo waxa uu ahaa halgamaa, laga soo bilaabo shaqadiisii macalinimo ilaa dhagax-tuurkii, isaga  oo ka mid ahaa macalimiintii loo xidhay dhagax-tuurkaas, sidaasaanu ku galay halganka jabhadii SNM, ilaa waqtigan aynu joognana wuxuu u halgamayay ummadan, waxaana uu ka mid ahaa raga ku adag inaan calankeena Koonfur la gayn oo uu calankeenu ahaado kan Somaliland ee tawxiidka leh. Tallaabo wuxuu ahaa nin adag, wuxuu ahaa nin ummada u dhexeeya. Wuxuu ahaa nin aan qabiil ahayn, waxana uu ka mid ahaa wasiirrada ugu cimriga dheeraa waqtigii Cigaal iyo Rayaale-ba ka horna wuxuu ahaa badhasaabkii gobolka Sanaag,” sidaa waxa yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Maareeyaha Shirkadda GULF PETROLEUM Maxamed Yuusuf Cismaan oo ku hadlayey afkiisa iyo Afka Shirkadda, ayaa sidoo kale, Tacsi u diray qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Yuusuf Ciise Tallaabo, oo uu xusay inay saaxiibbo aad isugu dhaw ahaayeen wakhtigii ay Wasiirrada ka wada ahaayeen Xukuumaddii Daahir Rayaale. Waxaanu Marxuumka Illaahay uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.

Sidoo kale, waxa munaasibadii kaga hadlay shaqsiyadii Marxuum Tallaabo masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Cali Maxamed Warancade, Ku-simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse, Guddoomiyihii hore Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Ducaale iyo siyaasiyiin kale, kuwaasoo dhamaantood Illaahay uga barayay Marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo guud ahaan ummadda reer Somaliland, gaar ahaana qoyska iyo carruurta uu ifka kaga tegay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.