Madaxweyne Silaanyo Oo Safar Jarmaade Ah Ku Tegaya Boorame iyo Gabiley Oo Laga Wado Abaabulka Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo



Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maalinta beri ah safar ugu jarmaadaya magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.



Xogo lagu kalsoonyahay oo shebekadda Berberanews ka heshay madaxtooyadda, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo uu safar kalahaad ah ugu xadhko xidhanyahay magaalada Boorame, halkaasoo uu kaga qaybgalayo qallin-jebin ka dhici doonta Jaamacadda Cammuud.

Warku waxa uu intaa ku daray in Madaxweynuhu gelinka danbe ku soo laaban doono magaalada Gabiley oo uu la sheegay inay u qorshaysantahay inuu u hoyan doono habeen danbe. Haseyeeshee warar aanu ka helayno magaalada Gabiley, ayaa tibaaxay qabanqaabada mudaharaad lagaga soo horjeedo madaxweyne Silaanyo oo ay wadaan dadweynaha deegaanku, balse waxa iyana taa garab socota dedaalo maamulka Gabiley ugu jiraan baajinta mudaharaadkan.

Kooxda wada qabanqaabada mudaharaadka ka dhanka ah Madaxweyne Silaanyo, ayaa la sheegay inay ka dhalatay tabashooyin isa soo tarayay mudooyinkii u danbeeyay oo ka soo yeedhayay dadweynaha reer Gabiley, kaasoo ay ku salluugsanyihiin hawlgalkii hanta-dhawrku ku gelelefay Gobolka Gabiley oo masuulliyiin badan galaaftay, qaarkoodna xabsiga loo taxaabay sida Guddoomiyihii Tog-wajaale oo markii danbe amar madaxweyne lagu sii daayay, tallaabooyinkaas oo reer Gabiley ku tilmaameen kuwo gobolkooda oo qudha lagu badhtil-maameedsaday.


Safarka uu Madaxweyne Silaanyo ugu anba-baxayo gobollada Awdal iyo Gabiley, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago deegaannadaas tan iyo markii xisbiga KULMIYE talada dalka ku guulaystay oo haatan laga joogo sanad.

Berberanews.com
Email, info@berberanews.com