Hargeysa: Aabbo Wiil uu dhalay laga xaday shalay oo ka warramay qaabkii loo kaxaystay iyo halka laga soo helay

Hargeysa(Berberanews)-  Buraale Jibriil Gaaxnuug, ayaa sheegay in Wiil uu dhalay oo la xaday barqadii shalay, isla markaana lagala baxay gudaha magaalada Hargeysa, lagu qabtay Deegaanka la yidhaahdo Cuna-qabad oo illaa 15KM Koonfur-Galbeed kaga beegan Hargeysa.

“Walaal anigu waxaan ahay Aabbaha inanka yar dhalay. Abaaro 10:30 subaxnimo ee maanta (shalay), ayaa yarkayga oo guriga hor-jooga oo la yidhaahdo Siciid ayaa Dukaan ii dhaw u doontay Sharaab, ka dibna isaga oo Dukaanka hortiisa taagan ayaa nin baa ii yimi buu yidhi. Ninkii baa ku yidhi ‘Ayeydaa baan kuu geynayaaye inna keen,’ wuu jiitay oo gacantuu qabtay. Dabadeedna wuxuu magaalada ugala baxay xagga garoonka diyaaradaha, Masaluhuu mariyey, halkaasuu mariyay…Casarkii gaabnaa markay tahay, ayuu yarkii daalay. Mar kasta oo uu daalo oo uu fadhiistana dhenged buu ku dhufanayay. Dabadeedna yarkii oo qaylinaya oo cabaadaya ayaa waxa ku soo baxay wiil yar oo illaa 18 jir ah, markaasuu ku yidhi, ‘waar ilmahan miyaanad dhalin, maxaad u dilaysaa?’ Ninkii oo aan jawaabin, ayuu kii yaraa yidhi, ‘imuu dhalin oo aabahay maaha…oo imuu dhalin.’” Sidaa ayuu yidhi Buraale Jibriil Gaaxnuug oo Xalay Wargeyska Ogaal uga warramay qaabka loo xaday wiil yar oo uu dhalay.

Waxaanu Buraale oo hadalkiisa sii wataa intaa u daray oo uu yidhi; “Wiilkii wuxuu inankii yaraa weydiiyey qoladiisa, markaasuu u sheegay, dabadeedna ninkii watay ayuu isagana weydiiyay, qolo kale ayuu u sheegtay. ‘Markaa xaggeed ilmahan yar ku waddaa?’ ayuu su’aalay, markaasuu ugu jawaabay, ‘Bali-cabbane ayaan ku socdaa.’ Intaa markuu yidhi ayuu Ninkii ilmaha xaday inankii ka cararay, waanan gaadhi waayay buu yidhi. Halkaasi waxay ahayd meesha la yidhaahdo Cuna-qabad oo illaa 15km koonfur/galbeed ka xigta Airport-ga. Dabadeedna inankii yaraa ayaa gaajadiisii markuu ka yaabay wuxuu geeyay gurigoodii miyiga, si uu wax u siiyo. Intaa ka dibna inankan yar oo lix jir ah, ayaa inankii wuxuu u sheegay abtirsiintiisa, dabadeedna inankaa Aabbihii oo gurigii yimi ayaa aniga I gartay, ka dibna Odaygii ayaa la soo hadlay Gabadh aannu walaalo nahay. Inantii baa dabadeed warka na soo gaadhsiisay annaga oo magaalada ku wareernay oo mikirifoonno qaadannay oo magaalada soo wada dhammaynay ayay inantaasi sheegtay in wiil yar halkaa lagu hayo.”

“Intaa ka dibna nin ay reerkaa jaar yihiin oo lambarkayayga helay ayaa ila soo hadlay, sidaas ayaannu markaa Baabuur ku kaxaysanay oo inankii yaraa ku soo qaadnay. Inanka yari wuxuu qabaa jidh-dil, waayo markuu daalaba siduu dhirbaaxo iyo dhenged ugu kicinayay, gacantana nabarbaa kaga yaallaa uu yidhi ‘dhagax buu igaga dhuftay.’” Sidaa ayuu yidhi Aabbaha Wiilka la xaday dhalay Buraale Jibriil Gaaxnuug.

Xigasho Ogaal.