Budhcad-badeed Toban Cisho In Ka Badan Af-duub Ku Haystay Markab Berbera Ku Soo Socday Oo Shuruud La’aan Ku Sii Daayay

Garowe-(Berberanews)- Kooxda Budhcad badeeda afduubka u haysatay in ka baddan toban maalmood Markabka MTJuba,XX  ee shidaalka u siday shirkadda Red Sea oo ka ganacsata shidaalka Somaliland iyo Puntland  ayaa shuruud la’aan kusii daayay caawa markabkaa. Kadib markii ay ka hawlgaleen oo ay waan waan la galeen Budhcad badeeda  Salaadiinta Somaliland iyo   Odayaasha madax dhaqameedka Puntland  oo ay weheliyeen xubno  ganacsato ah oo ka mid ah shirkadda red Sea.
Sida ay xaqiijyeen warar laga helay deeegaanka Baargaal ee lagu haystay markabkaa iyo xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe, waxay Salaadiinta labada dhinac wadahal la galeen hogaamiyayaasha Budhcad badeeda, kuwaas oo caawa ka rogay ciidankii saarnaa, isla markaana Markabka shidaalka siday usoo shiraacday galabta dhinaca magaalada Berbera.

Budhcad badeeda  ka ugaadhsada gaadiidka Biyaha gacanka cadmeed iyo  badweynta India, ayaa afduubay markabkaa 16 july, isagoo shirkadda  Red Sea  u  siday  3500 (sadex kun iyo shan boqol ) oo Tn oo shidaal ah, balse ay kooxda Budhcad badeeda ahi ka Af-duubeen duleedka magaalada Boosaaso.


Koox Salaadiin ka socotay dhinaca Somaliland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Mulkiilayaasha shirkadda ayaa todobaad ka dib u boqoolay dhinaca xarunta Puntland ee Garoowe, si ay wada hadal ergo ah ugu galaan in lasii daayo Markabkaa, iyagoo kaashanaya Odayaasha iyo wax garadka Puntland. Kadibna sidaa lagu soo daayay maanta, iyadoo aan wax shuruud mudax furasho ah lagu xidhin sida ay noo sheegeen warar la xidhiidha markabkaa oo aanu ka helay caawa Deegaanka Baargaal ee fadhiisimada  u ah kooxaha  Budhcad badeeda iyo xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.



Berberanews.com
Email, info@berberanews