Wadamo ka Tirsan Afrika, Yurub iyo Siyaasiyiin Badan oo ka Qaybgalaya Shir Lagaga Hadlayo Aragtida Caalamka ee Somaliland



London (Berberanews)- Shir caalami ah oo lagaga hadlayo aragtida beesha caalamku ka qabto Somaliland iyo kaalinta Somaliland kaga jirto dalalka dunida, gaar ahaan Yurub iyo Afrika, ayaa Jimcaha beri ka dhici doona magaalada London ee cariga Ingiriiska.
Shirkan lagaga hadlayo arrimaha Somaliland iyo kaalinta ay ku leedahay adduunka oo ka dhici doona xarunta mac-hadka sida madaxabannaan loogu lafaguro arrimaha caalamiga ah ee Chatham House ee magaalada London, waxa ka qaybgeli doona  wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, wadamo ka tirsan Afrika, Yurub iyo siyaasiyiin badan oo ka socda meelo kala duwan oo dunida ah.
Sida lagu sheegay qoraalka martiqaadka ah ee ka soo baxay xarrunta Chatham House oo nuxul ka mid ah aanu helay , waxa ujeedada shirkani ku saabsan tahay sidii loo lafaguri lahaa kaalinta Somaliland kaga jirto dunida iyo aragtida laga qabo Somaliland.
“Kadib 20 sanno oo Somaliland madaxbannaanayd, hadana weli lama aqoonsan, inkasta oo ay horumar ballaadhan ka gaadhay dhinacyada ammaanka, dimuqraadiyadda iyo horumarka. Markaa shirkani waxa lagu lafaguri doonaa, isla markaana lagu soo saari doonaa aragtida laga aaminsan yahay kaalinta Somaliland ku leedahay dunida, gaar ahaan Yurub iyo Afrika iyo rajada dadka reer Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka ku yaal martiqaadka loo kala diray dadka ka qaybgelaya shirkan lagaga hadlayo arrimaha Somaliland.
Shirkan caalamiga ah ee maalinta Jimcaha ka dhacaya magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxa uu qaybka yahay barnaamij arrimaha Afrika lagaga hadlo oo taageero ka hela dalalka, Kannada, Norway, dawladda Switzerland, hay’adda xuquuqal Isnaanka ee Human Rights watch, ururo iyo hay’addo badan oo caalami ah, waanna markii u horraysay ee xarunta Chatham House qabato shir noocan oo kale ah oo lagaga hadlayo arrimaha Somaliland.