Fannaanada Reer Maraykan Ee Mama Soul Oo Booqatay Xeryaha Qaxoontiga Muqdisho

Jimco- (Berberanews) – Mama Soul oo ka mid ah fanaaniinta ugu caansan dalka Maraykanka ayaa kulan la qaadatay Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya , markii ay ka dagtay magaalada Muqdisho.
Fanaanaddan oo hore u soo booqatay qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sidoo kalana soo aragtay xaaladda ay ku noolyihiin dadka tabaalaysan eek u  nool cooshadaha ka dhisan kaamamka ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Maxaad indhaha uga daawaneysaan shacabka Soomaaliyeed, waa inaad gargaar la soo gaartaan”. Ayay tiri ,iyadoo ilmaynaysa markay aragtay xaaladda naxdinta leh ee ay ku noolyihiin dadka ay barakiciyeen abaarta iyo colaaddu.
Waxaa ay Qaramada Midoobay ka dalbatay inay gargaar lasoo gaarto dadka tabaalaysan ee ku jira kaamamka.

Fanaanadu waxay sheegtay in muuqaalada laga daawado TV-yada caalamka iyo nolosha dhabta ah ee ka jirta xeryaha barakacayaasha Soomaaliya ay aad u kala fogyihiin  “Waxaad noloshooda dhabta ah ogaan kartaan marka aad timaadaan Soomaaliya oo aad aragtaan dhibaatada ka muuqata shacabka, maalin kasta gaajo iyo oon ayay u dhintaan, caruur aad u yar yar iyo weliba hooyooyin” ayay mar kale tiri Mama Soul intii ay booqaneysay  barakacayaasha.

“Waxaa la joogaa waqtigii aanu toosi laheyn oo dadka Mareykanka iyo dowladduba ay hormuud ka noqon lahaayeen taakuleynta dadkan Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay”. Ayay raacisay.
Booqashada fanaanaddan , maahan tii ugu horreysay ee uu ku tago qof caan ah magaalada Muqdisho,balse murugada ka muuqatay wajigeeda iyo oohinteeda ayaa laga yaabaa inay soo jiidato damiirka dadka caalamka oo qaar badan oo ka mid ah aysan xog fiican ka haysan xaaladda tiiraanyada leh ee ay ku noolyihiin dadka Soomaaliyeed.

 
Sources Hiiraan online