Faysal Cali-waraabe Oo Laga Horjoogsaday Xarunta Xisbiga ee Dawladdu Gacanta Ku Hayso, Rabshado Dhexmaray Booliska iyo Taageerayaal iyo Khasaare Ka Soo Gaadhay Gaadiid




Hargeysa-(Berberanews)- Ciidanka ammaanka magaalada Hargeysa, ayaa saaka ka horjoogsaday Xarunta Xisbiga UCID ee Muranku hadheeyay Gudoomiyaha laga awooda roonaaday Faysal Cali Waraabe.

Tallaabadan, ayaa ka danbaysay markii Eng. Faysal Cali-waraabe iyo taageerayaal uu ka soo ururiyey magaaladu damceen inay xoog ku galaan Xarunta Xisbigu ku leeyahay xaafadda shacabka ee laga mamnuucay garabyada isku hay, balse boolisku horjoogsadeen, halkaasoo uu ka dhashay muran gacan-ka-hadala oo dhexmaray booliska iyo dadweynihii oo markii danbe rasaas lagu kala kaxeeyay.

Dadweynaha loo diiday xarunta UCID ayaa markii danbe tegey Koonfurta magaalada Hargeysa ee wadada Madaarka tagta , iyagoo halkaa ku gubay Taayiro, isla markaana jidkaa laamiga ah dhigay Dhagxaan, halkaasoo ay ku shiideen gaadiidka wadad marayay islamarkaana uu khasaare ka soo gaadhay dhawr gaadhi.


Faysal Cali Waraabe oo ah Higaamiyaha ay hore u sheegeen hogaanka Xisbigu inay xilkii ka qaadeen ayaa shir jariid ku qabtay gurigiisa markaa ka dib ka hadlay dhacdadaa ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku ay doonayeen inay wax u dhimaan Nabadgelyada guud ee dalka, isla markaana waxa uu tilmaamay inay si badheedh ah Rasaas ugu fureen Boqolaal ka mida Taageerayaashiisa oo uu sheegay inay ka xumaadeen sida loola dhaqmay isaga.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa kale oo uu sheegay in Garabka ay iska soo horjeedaan la soo adeegsaday, isla markaana ay damacsan yihiin inay khal-khal geliyaan Amniga iyo Xasiloonida ka jirta dalka, Balse ma uu sheegin cida soo adeegsatay. Hase yeeshee waxa uu xusay  inay jiraan waxyaabo badan oo uu qarinayo, kuwaas oo aanu carabaabin waxa ay yihiin, balse waxa uu balan-qaaday inuu waxyaabahaa la sugayo  oo uu daaha kaga faydi doono kulan ay u balansan yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).


Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland