Hargeysa-(Berberanews)- Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIOYE Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe-waxdad), ayaa si weyn ugu mahadceliyey guud ahaanba Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Carriga Ingiriiska oo uu sheegay inay si fiican ugu soo dhaweeyeen dalkaas oo uu dhawaan booqasho uu ku tagay kaga soo laabtay.
Mustafe-Waxdad oo maanta soo saaray War-murtiyeed qoraal ah, ayaa midnimo iyo wada-jir Illaahay uga beryey Jaaliyadda Ingiriiska ee reer Somaliland, gaar ahaan Shaqsiyaad uu magac-dhabay iyo Shirkadda la yidhaahdo Lash Housing oo uu tilmaamay inay si qurux badan ugu qaabbileen dalkaas. Qoraalka warkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Berberanews ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
“Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Illaahay, mar labaadka waxaan si weyn ugu mahad-celinayaa Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Carriga Ingiriiska, oo aan uga mahad-celinayo sidii fiicnayd ee ay iigu soo dhaweeyeen dalkaas, gaar ahaan Shirkadda Lash Houseing iyo Maamulkeeda, gaar ahaanna Aqoonyahan Mustafe Nuur Shide iyo Mustafe Aadan Shanle iyo dhammaan Axsaabtii isoo dhawaysay.
Waxaan Illaahay uga baryayaa isku duubni, midnimo iyo wada jirka ka dhexeeya halkaa ka sii-wadaan, isla markaana laban laabaan dedaalka iyo waddaniyaddooda.
Waxaan mar kale leeyahay, Saaxiibbayaal iyo Walaallayaal waxaan idiinka mahadcelinayaa sidii quruxda badnayd ee karaamada, sharafta iyo qaddarintu ku dheehnayd ee aad iigu soo dhawayseen waddanka Ingiriiska ee aan idiinku imi. Waxaanan Illaahay idiinka rejaynayaa barwaaqo, badhaadhe, caafimaad iyo isku-duubni inaad ku waartaan.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.