Dawladda Ingiriiska Oo Wada Qorshe Soomaalida Fal-dembiyeedka Ka Geysata Dalkeeda iyo Kuwa Dhimirka wax Ka Qaba Lagu Keenayo Somaliland

Cabsida Ingiriiska ka soo waajahday Soomaalida maandooriyayaasha lagu muday in kooxaha xag-jirku u adeegsadaan fulinta weeraro is-qarxin ah
Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda Ingiriiska, ayaa la sheegay inay ku hawlantahay qorshe ay Somaliland ku keenayso dadka Soomaaliyeed ee fal-dembiyeedka kala duwan ka geysta dalkeeda.

xogo  shebekadda Berberanews ka heshay dad ku kala sugan Somaliland iyo Uk waxa jirta hindise dawladda Ingiriisku ku damacsantahay inay qaxoonti ahaan ku keenaan Somaliland dadka Soomaaliyeed ee fal-dembiyeedyada kala duwan ka galay dalkeeda, kuwaasoo ay ku jiraan dhammaan dadyowga ka kala yimi dalkii laysku odhan jiray Somalia oo haatan ay Somaliland ka madaxbannaantay.
 
Qorshahan oo aan weli soo shaac bixin waxa la sheegay in dawladda ingiriisku masuulliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland kala xidhiidhay aqbali lahayd in Soomaalida ku jira diiwaanka dembiyada la keeno Somaliland, inkasta oo aanay noo suurtagelin inaanu heloo jawaabta masuulliyiinta arrimaha guduhu ka bixiyeen dalabkan, waxaase jirta in Uk si ay u hirgeliso mawqifkeeda ay doonayso inay qaxoonti u aqoonsato dadkaas oo loo sammeeyo addeegyo dib-u-dejinneed iyo imkaaniyaadka ay u baahanyihiin oo ay kharash ku siinayso dalka gudihiisa.
 
Warku waxa uu intaa ku daray in haddii lagu guulaysto wejigan koowaad, looga gudbi doono sidii Somaliland loogu soo celin lahaa dadka nolosha ka dhacay ee ku nool dalka Ingiriiska, kuwaasoo qaarkood lagu muday irbado iyo maandooriyayaal ka kexeeyay noloshoodii caadiga ahayd, kuwaasoo cabsi xoog leh ku abuuray Inigiriiska weeraro is-qarxin ah inay uga faa’iidaysan karaan kooxaha mayalka adag.
 
Dalka Ingiriisku oo ka mid ah meelaha ugu badan ee Soomaalidu sida weyn u degantahay waxa lagu tiriyaa dalalka xoriyadda buuxda dadka loo diiyay diimaha kala duwan, haseyee yeeshee tan iyo intii ka danbaysay qaraxyadii khasaaraha ba’an geystay ee Ururka Al-qaacida la beegsaday mataanihii ganacsiga adduunka 11 Septemper 2001 waxa isa soo tarayay fiiro gaara ah oo dalalka Yurub u yeesheen dadka ajaanibka ah ee dalalkooda ku nool oo Soomaaliduna ka mid tahay.
 
Isku-day aanu la sammaynay wasaaradda arriimaha gudaha Somaliland oo markii hore ay dib-u-dejintu hoos tegi jirtay, balse haatan wasaarad cusub loo sammeeyay si aanu wax uga weydiinno arrintan.
 

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com
Amma editor@berberanews.com