Hoggaan cusub oo lagu doortay Shirweynihii Afraad ee SOLJA oo Maanta La Soo Gebogebeeyay

Hargeysa (Berberanews)- Shirweynihii afraad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa waxaana lagu doortay Hoggaan cusub.
Shirweynaha afraad ee Ururka SOLJA waxa lagu doortay 15 Xubnood oo ah Gudida fulinta ee Ururkaasi, kuwaasi oo iyaguna iska sii dhex doortay Gudoomiye, Guddoomiye Ku Xigeen iyo Xoghaye guud.

Waxa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Ururuka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Gudoomiye Ku Xigeenna waxa loo doortay Saleebaan Ibraahim (Saleebaan Guray),halka Xpghayaha guud ee Ururka SOLJA loo doortay Maxamed-Rashiid Maxamed Faarax.
Hoggaanka cusub ee la doortay ayaa u mahad celiyay ergadii shirweynaha afraad ee codka aqlabiyadda ah ku doortay, waxaanay balan qaadeen inay sadexda sanadood ee ay maamulka ururkaasi hayaan ay dedaal weyn u geli doonaan sidii ay ururkaasi u dhaqaajin lahaayeen waxaanay ku doodeen inay ka shaqayn doonaan danaha iyo kor u qaadida xubnaha Suxufiyiinta Somaliland ee ku bahoobay ururkaasi.
Xubnaha kale ee Guddida fulinta ee shirweynahan lagu doortay waxay kala yihiin.
Barkhad Maxamuud Kaariye
Maxamed Cabdi Curad,
Maxamed Jamaac (Caloolay)
Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago) Tifatiraha Berberanews
Cali Jaamac Maxamed
#Keyse Axmed Digaale,
C/Salaan Xariir Sheekh Cismaan
Mustafe Sheekh Cumar Geeddi
Cali Aare, Nimco Samriye
Sahra Sh. C/Wahaab iyo
Maxamed Shaqalle.
Waxa doorashada Guddida Fulintu u qabsoontay si hufan oo xor ah waxaana shirweynaha lagu kala saaray 27 Murashax oo isku soo taagay tartanka loo galay 15 xubnood ee Gudida fulinta SOLJA.

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com