Aqoonyahan Ku Takhasusay Culuumta Casriga IT-ga Oo Khudbad Cilmiga Kombuyuutarka Ku Saabsan U Jeediyay Arday Jaamacadda Admas Hargeysa

Hargaysa (Berberanews) Egn: Maxamed Xasan Cali Cawaale oo ah aqoonyahan qurba joog ah, kuna takhasusay Culuumta Casirga ah ee Information Technology ayaa khudbad la xidhiidha culuumta kmbuyuutarka iyo fursadaha shaqo ee ka bannaan u jeediyay ardayda Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa.

Khudbadan oo ay aad ugu diirsadeen ardaydii dhegaysanaysay waxa uu injineerku kaga waramay qiimaha IT-gu u leeyahay dunida casriga ah, fursadaha ka bannaan ee Somaliland ka jira, isbedelka ku dhaca maalin kasta iyo sida looga faa’iidaysan karo.

Khudabada oo aad u dheerayd, waxa uu ku bilaabay sidan “Anigu waxa aan waxbarashada hoose iyo dugsiga sare aan ku qaatay  Berbera iyo Burco, dabadeed waxa aan tagay Qahira jaamacad la yidhaa (American University in Cairo) ayaan galay sanadkii iigu horeeyey waxa aan dhigan jiray waxyaabo badan oo jaamacada lagu qaato, sanadka labaad ayaa takhasuska la sameeyaa sida American System-ku yahay, waxaan qaatay kooras Introduction ah oo runtii aan aad iyo aad uga helay aniga oo markii hore doonayey in aan Business Administration galo, balse ka helida aan ka helay ayaan field-kan IT-ga aan u bilaabay, 1984 ayaan markaasi aan goostay in aan galo Computer Science, Department-kii ugu horeeyey ee barigaasi laga bilaabay Afrika oo dhan wuu ahaa waa American University in Cairo, waana markii Personal Computers-ku ay soo baxeen ee ay imanayeen ee Doss-kiyo ay imanayeen ee ninkaasi Bill Gates uu imanayey ayay ahayd, markaa haddii aan sidaa u eegno anigu waxa aan ahaa lodkii Personal Computers-ka la soo koray ee Programmers-ka ama Khibradaasi la koray baan ahaa, runtii waxa aan jaamacadaasi ka dhigtay saddex sano iyo badh, markii dambana Maraykanka ayaan u wareegay, waxaan ka soo dhameeyey Senior-kaygii College ku yaala dalka Maraykanka laakiin Computer-ka Departement-kiisu uu yahay kuwa aad iyo aad ugu fiican dalka Maraykanka, waxaan taa dhameeyey 1989-kii dabadeed waxaan galay Dhinaca shaqada oo aan u wareegay Dhinaca Canada oo markaa ay dhulkeena ka dhaceen dagaalada ayaan u guuray Canada halkaasaanan shaqadaydii ugu horaysayna aan ka bilaabay, waxaanan ahaa Computer Programmer ayaan ku bilaabay shirkadd baan u shaqaynayey 3 sanadood oo la odhan jiray Alphabate oo samayn jiray Software for Optical Industry, Muraayadaha indhaha, markaa shaqadaydu kolba meel ayay ka bilaabmaysay waan xasuustaa Program-kii ugu horeeyey ee aan qoro, waxa la odhan jiray Inventory Management oo ahaa marka alaabo la soo diro oo ay soo socdaan Barnaamij intaasi kaydiya ayuu ahaa, markaa meelo badan ayaad kolkaa shaqada ka bilaabaysaa”.

Eng: Maxamed isagoo khubaadiisa sii wata waxa uu yidhi “Runtii Qaybtan IT-guna waa gacan ku hayn weeyaan, qof haddii uu doonayo inuu iska fadhiyo, lix bilood waxaad noqonaysaa, wixii aad taqaanay waxba kama jiraan waa la badalay, waydinka og hadda sida ay dunidu u socoto IT-gu aad iyo aad ayuu isku bedelaa, bilo gudahoodba wax cusub ayaa soo baxa, markaa haddii aanad akhrisan oo aanad tijaabin oo aanad la socon oo aanad is Update-garayn markaa maaha khibradaada iyo cilmigaaga in aad School-uun in aad gasho ee waa in aad adugu gacan ku hayntaada hayso, markaa khibradaadu waxa ay ahaanaysaa mid aad u yar, ama mid aad u badan, taasina waa ta aan Dhinaca IT-ga idiinka hayo”.

Waxaanu intaasi ku daray”Shaqadan IT-gu waxyaabaha ugu weyn dunida weeyaan ee dadka Awooda siiya hadduu qofku garanayo, maxaan uga jeedaa, waxaan uga jeedaa waxa weeyaan imika haddii aad tagto India ama aad tagto China ama aad tagto Eastern Europe, iyadoo wakhtigana ka bilaabantay Bariga dhexe, dhalinyaro badan oo shaqaale rag iyo dumar leh ayaa ka shaqeeya iyagoo India jooga ama China Jooga una shaqeeya Shirkado Maraykan iyo Western Europe ah maxaa lagu qaatay dadkaa, waxa laga yaabaa dadkaa aan ka hadlayo in waxaad isleedihiin Hargeysi waa meel ku taala wadan yar oo curdina ahoo aan wali horumar weyn gaadhin, laakiin anigu India waan tagay walaahi Hargeysi waxa ay noqonaysaa Caasimadaha Caasimadaha ugu wanaagsan haddii aad India tagto meelahooda markaad yara eegaysid, maxaa uga jeedaa? Waxaan uga jeedaa dadka India iyo China waxay aad iyo aad ugu fiican yihiin duruufaha ay ku jiraan iyo Guriga ay ku noolyihiin iyo Daaraha iyo Buuqa dadka badan kama xidhaan oo cilmiga kama joojiyaan, intaas oo boqolaal Programmes oo Kun ayaa laga qaataa sanad kasta Data Centers-baa imika India laga sameeyey, Call Centers, dadkan telefoonada qaadaa waa iyaga, shaqooyinkoodii iyagoo gurigoodii jooga ayay heleen, maxaa sababay way barteen, waxa laga yaabaa in reerkoodu aanu lacag badan haysanin, laakiin guriga isku baray wax, Shahaadadaha intooda badan duniga laga qaataa oo waa Online, markaa dhalinyarada maxaan kula talinayaa, hablo iyo inamaba, Cilmigan IT-gu waxa uu ku fiican yahay, macalimiintu wadada ayay ku yara tusaysaa, inta kale adiga ayay kugu dhixan tahay, macalinkii waxa uu ku yara tusayaa sidan iyo sidan ayay u shaqeeyaan, laakiin waa in aad adigu tagtaa oo Laptop-kaagii ama aad Lab-ka gashaa oo aad samasyaa wixii aad School-ka ama jaamacada aad ku baratay, qofka taa sameeyaa ayaa rutnii ku najaxaya Qaybtan IT-ga, dabadeedna wakhti badan waa in aad u hurtaa, qaybtana waa farsamo weyaan, Practical ah, maaha Theory Field markaa inta badani idinka ayay idinku xidhan tahay” ayuu Eng-ku Muxaadiradaasi ku soo gaba-gabeeyay

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com