Dufcadii Shannaad Ee Ka Qalinjebisay Dugsi-gobolleedka Xanaanada Xoolaha Degmada Shiekh



Sheekh-(Berberanews)- Munaasibad qalinjebunta dufcadii shanaad ee ka baxa dugsi-goboleedka xannaanada Xoolaha Bariga Africa eek u yaal Sheekh, ayaa shalay lagu qabtay xarunta dusgigaas.
 
Qallinjebinta oo loo qabtay 20 arday oo muddo saddex sano ah ku qaatay shahaadad Diploma, 16 ardayda oo ka mid ahi waxay u dhasheen Somalind,  2 Puntland ah, 1ardayna Somalia iyo hal arday o wadanka Kiiniya, waxaana markii u horaysay ka baxay iskuulkan  afar arday oo hablo ah waana markii u horaysay ee tiro intaa leeg oo hablo ahi ka qalin jabiyaan iskuulkan lagu barto aqoonta dhakhtarnimada ee xoolaha.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen masuulyiin ka kala socotay xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada xanaanada xoolaha,maamulka gobolka Saaxil,hayaayadaha iyagu la shaqeeya iskuulka sida hayaada Teronova,ururka IGAD,Jaamacadaha Mackarei University,Nairobi University  iyo  masuul ka socday safaarada wadanka Denmark ku leeyahay wadanka Kenya,Ururada ka shaqeya caafimaadka xoolaha,waalidiin ganacsato iyo waliba maamulka Degmada Sheikh.

Waxaa ugu horayn xafladaa ka ka hadlay maamulaha guud ee Iskuulka xanaada xoolaha ee Degmada sheikh  (Shiekh Technical Veterinary School STVS) mr Thomas waxaanu aad ugu mahad naqay dhaman masuuliyiinta ka soo qayb galay xafladan lagu sabootinayo lodkii shanaad ee iyagu ka qalin jabiya STVS,waxa uu Thomas ka sheekeeyay marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray Iskuulku waxaanu xusay in Iskuulku soo maray heerar kala duwan maantana uu marayo meeshii ugu fiicnayd maadama oo ardaydii ka qalin jabisay dhamaantood manta ay shaqaale ka yihiin goobaha caafimaadka xoolaha iyaga oo buuxiyay baahidii loo qabay dhakhaatiir aqoon leh oo ka shaqeeya xoolaha oo ah laf dhabarta dhaqaaale ee  wadamada geeska afrika.

Waxaa kaloo iyana halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland md,Maxamuud Axmed Maxamed(Cagowayne)  “Waxa ii sharaf ah in aan manta idinkala soo qayb galo dufcadii shanaad ee ka qalin jabisa Iskuukan STVS iyaga oo lodkani kaga duwan kuwii hore iyaga oo sii wadan doona aqoontooda illaa heer Degree, waxaan halkan ka sheegayaa inuu wasiirku islaha kaalay xafladan laakin umay suurta galin waxaa kaloo isna aan cudur daar idinka sidaa Xoghayaha Ururka IGAD Maxbuub oo runtii ku mashquulsan arrimaha abaaraha Somalia runtii ninkaasi waa nin aad u wanaagsan waana shaqsigi aad u daneeya iskuulkan,waxaan aad ugu mahad naqayaa dadwaynaha iyo maamulka Degmada sheikh oo runtii ah hooyadii waxbarashada dalka sida fiican ee ay iskuulkan dhaqaajintiisa u garab istaageen waxaan leeyahay waad mahadsantihiin.


Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmeda Shiekh Ibraahin C/laahi Cabsiiyo oo isna ardayda kula dardaarmay in ay aqoonta ay barteen uga faaideeyaan dadka xoolo dhaqatada ah si tabaruc ah isuna yimaad markasta oo ay dadkaas caawiyaan meel ay joogaanba.


Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax)ayaa isna aad ugu mahadnaqay cidkasta oo ka shaqaysay horumarinta dugsigan waxaanu yidhi “waxaa ii sharaf ah in aan markii u horaysay ka soo qayb galo xaflad noocan oo kale ah aad ayaan u faraxsanay maadama oo manta aynu joogno goob ay ka qalin jabinayaan dhakhaatiirtii xoolaheena oo aynu ognahay in ay yihiin lafdhabrta dhaqaale ee wadankeena waxaan idin leeyahay hanbalyo hanbalyo waxaa kaloo aan aad ugu mahad celinayaa dhamaan haayadaha iyagu iskuulka halkaa soo gaadhsiiyay waanad mahadsantihiin.


 
Waxaa iyana halkaa ka hadlay madaxda  haayadaha la shaqeeya STVS oo ay ugu horayso madaxa haayada Teranova mss luxi oo iyana aad ugu mahad celisay macalimiinta iyo maamulka iskuulka sheegtayna in dhawaan laga dhigi doono mid ay wadamo badani u soo aqoon doontaan.

Waxaana ugu danbayntii halkaa lagu gudoonsiiyay Shahaado dhamaan ardaydii iyagu ka qalin jabiyay iskuulkan.

Iskuulkan ayaa sida halkaa laga sheegay waxaa dhawaan si buuxda ula wareegi doona Ururka IGAD oo iyagu dhawaan arday u diray jaamacada wayn ee Mackareri ee wadanka Yugaandha.

Khadar Jaamac Xaashi

Berberanews, Degmada Sheekh