Garabka Isbedeldoonka Xisbiga UCID Oo Hoggaan Cusub Doortay



Hargeysa-(Berberanews)- Garabka isbedel-doonka xisbiga mucaaridka UCID ee hoggaaminayo Aadan Maxamed Mirre (Waqaf), ayaa shir ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa Guddida qabanqaabada shirweynaha afraad waxay ku doorteen hoggaan ka kooban lix xubnood.

Sida lagu faafiyay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka shirkooda oo uu ku saxeexanyahay  Xogahayaha Guud ee Xisbiga UCID Md Muuse Xaaji Maxamed Guuleed, ayaa waxa Guddoomiye loogu doortay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim, halka ku xigeena loo doortay Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox).
 
War-saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan;Maanta oo ay taariikhdu tahay August 3, 2011 waxa shirkii ugu horeeyey yeeshay guddida qabanqaabada shirweynaha 3-aad ee Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka oo ku astaysan 7-8 September.
Guddidaas oo ka koobnayd 13 Xubnood waxay ku doorteen hogaanka guddidan oo ka kooban:

No Magac Xil
1 Xildhibaan C/raxman Cisman Caalin (Dheere) Gudoomiye
2 Saleebaan Daahir C/lahi (Dogox) G/X/Kowaad
3 Axmed Muumin Seed G/X/Labaad
4 Muuse Xaaji Maxamed Guuleed (Inji) Xoghaye
5 Xuseen Aadan Cali (Asad) Afhayeen
6 Caasha Xuseen Yuusuf (Maraykan) Khasnaji