War Deg Dega: Dhulgariirkii Ugu Weynaa Abid Ka Dhaca Somaliland Oo Gilgilay Hargeysa iyo Boorame, Guryo Jiingadihii Ka Daateen iyo Qoysas Debedaha Tuban




Hargeysa- (Berberanews)- Dhul-gariir ballaadhan, ayaa caawa abaaro 2: 24 daqiiqo gilgilay magaalooyinka Boorame, Hargeysa iyo magaalada Wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland iyo Ethiopia wadaagaan.
Inta badan magaallooyinka dhulgariirku ku dhuftay oo dadku hurdeen, maadaama ay xilli danbe tahay, balse dadka intii soo jeeday waxay ka yaaceen oo debeda uga soo boodeen guryihii ay ku jireen.


Ma jiro war si sugan u sheegay khasaaraha ka dhashay dhul-gariirka sida siman mar qudha ugu dhuftay magaallooyinkaas, balse weriye Cabdifataax Axmed oo ku sugan magaalada Boorame, ayaanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay daqiiqado ka dib dhulgariirkan, waxaannu yidhi, “ abaaro 2:23 daqiiqo ayaa dhulgariirku ka bilaabmay, waxaa nagu soo daatay cidii guriga aan ku jiro, dad badan reer Boorame ahina haatan debeda ayay guryaha uga soo baxeen oo bannaankay joogaan, dhulgariirku wuxu ahaa mid weyn oo ugu horreeyay iyo saddex yaryar oo ka danbeeyay.”ayuu yidhi Weriye Cabdifataax.
 
Weriye Cabdifataax oo aanu wax ka weydiinay inuu ogyahay wax khasaare ah oo ka dhashay waxa uu yidhi, “, Lama oga khasaaraha ka dhashay. Laakiin waxa jira guryo badan oo jiingadihii ka duuleen, magaalada Wajaalena waxa laga soo sheegayaa guryo dumay. waxaan u malaynayaa taariikhda dhulgariirkii ugu weynaa ee abid aan maqlo inuu yahay.”
 
Sidoo kale, dhulgariirkan, ayaa si weyn looga dareemay magaalada caasimadda Hargeysa, kaasoo socday muddo 15 il-bidhiqsi ah, islamarkaana qoysas badan oo soo jeeday xilligani guryaha ka soo dareereen.“Waan dareemay dhul-gariirkan oo aad u weynaa, waxaannan ku qiyaasi karaa inuu socday muddo 15 il-bidhiqsi ah, xaafadaha jaarka dadkii soo jeeday qaar ka mid ahi debeday u soo yaaceen, iyagoo la yaaban wax dhacay, waayo Hargeysa dhulgariir kan la mid ahi kama dhicin intii sideetamaadkii ka danbaysay.” Sidaa waxa yidhi Cabdiwahaab Cali Jaamac oo ka mid ah dadweynaha degan xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Berberanews.
 
Waxay ahayd 30 January 2011 markii dhulgariir aan sidaa u badnayn laga dareemay magaalada Borama oo inta badan dadweynaha reer Boorame u arkeen mid iska caadiya, maadaama ay hore u soo arkeen dhulgariir ka dhaca magaalada, balse dhulgariirkan caawu wuxuu noqonayaa mid maskaxda dadka intii maqlaysay ku dheer.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com