Booliiska dawladda Ku-meel-gaadhka ah oo gacanta ku dhigay Askar gubay Haweeney rayid ah

“Falka ay Askartani ku sameeyeen Haweeneyda Soomaaliyeed waa mid aad u fool-xun oo aanay weligood la kulmin shacabka Soomaaliyeed…” G/sare Cabdillaahi Xasan BariiseMuqdisho(Berberanews)– Booliiska gobolka Banaadir ee dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Askar la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Ahlusunna oo Baco la dhalaaliyay ku gubay Haweeney lagu magacaabo Boolo Cismaan Aadan.

Afhayeenka Booliiska G/sare Cabdillaahi Xasan Bariise, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan toddoba ka mid ah Askarta dhibaatada u geystay Haweeneyda, halka mid kalena uu dhaawacan yahay. “Falka ay Askartani ku sameeyeen Haweeneyda Soomaaliyeed waa mid aad u fool-xun oo aanay weligood la kulmin shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yidhi Afhayeenka Booliiska dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, oo sheegay inay socdaan baadhitaanno ku saabsan cidda gacanta ka geysatay falkaas waxiishnimada ah.

Haweeneyda dhibaatada loo geystay oo iyaduna Saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in maalin kasta iyo habeen walba la garaaci jiray, sidoo kalena lagu gubi jiray Baco la dhadhaaliyey. Waxaynay intaas ku dartay in amarka lagu gubayay ay bixin jirtay Haweeney kale.

Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in Askartaas ay hore xubinta taranka uga gubeen nin iyo haweeney kale oo rayid ah, isla markaana ay wadaan baadhis ku saabsan sidii ay u soo heli lahaayeen dadka la gubay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee DKMG Soomaaiya G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo ku sugnaa halka lagu soo bandhigay kooxaha falalkan ku kacay iyo haweeneyda dhibbanaha ah ayaa sheegay in Maxkamadda ciidammadu ay xukumi doonto eedeysanayaasha haddii loosoo gudbiyo dacwaddooda.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in guddiga ammaanka DKMG ah ay soo saareen amar ah in askarigii dhac u geysta shacabka la toogto. Gen Bariise, ayaa sheegay in amarkani uu yahay mid lagu yareynayo askarta dhaca u geysanaya dadka shacabka ah, isagoo xusay in amarkan uu saameynayo qaybaha kala duwan ee ciidammada dowladda.

“Waxaa kasoo baxay guddiga ammaanka Qaranka ee DKMG ah in isla goobtaa lagu toogtay Askarigii la arko isagoo dad shacab ah dhac u geysanaya,” ayuu yidhii Bariise oo sheegay in amarkan uu yahay mid la gaarsiiyay ciidamada oo dhan. Amarkan ayaa lagu soo beegay iyadoo shalay ay maxkamadda ciidamada qalabka sda ee DKMG ah xukunno min shan sano ah ku ridday laba askari oo la sheegay inay dhac u geysteen dukaan ay lahaayeen dad shacab ah.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed wuxuu sheegay in ciidammo hor leh la geyn doono saldhigyada degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo Wardhiiglay oo ay DKMG ah ku qabsatay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhaca.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.