LAMPEDUSA- (Berberanews) – Ciidmada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa helay meydadka 25 ruux oo muhaajiriin African ah, kuwaasoo dooni yar kasoo raacay xeebaha dalka Libya waxaanay habeen hore soo gaadheen jasiirada yar ee Lampedusa.
Ddakan oo ka soo yaacay dhibaatada dalka Liibiya waxa la xaqiijiyey in ay u dhinteen marki ay ku cabudheen qaaca mashiinka doonta oo lagu cabeeyey marki lasoo saarayey.
Saraakiisha ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay in doonta ay la socdeen 296 ruux kuwaasi oo isugu jiray dalalka Somalia, Nigeria iyo Ghana iyo dalalka ka hooseeyo Saxaraha Africa, waxaana ay badda kusoo jireen sadex maalmood.
Dadkaan ayaa sheegay in ay soo miciin bideen in ay naftooda kusoo biimeeyaan biyaha badda isku xidha Waqooyiga Africa iyo Koonfurta Yurub kadib markii ay u adkeysan waayeen bambooyinka iyo duqeymaha ay NATO ku heyso Libya iyo dagaalada u dhaxeeyo xoogaga mucaaradka iyo ciidamada daacada u ah hogaamiyaha Libya Moammar Gadhafi.
Dadka muhaajiriinta ah ayaa waxaa ku jiray 36 dumar ah iyo 21 caruur ah kuwaasi oo dhamaantood badbaaday.
Saraakiil ka tirsan hey’ada Save The Children oo booqatay goob lagu hayo dadkan ayaa sheegtay in qaar ka mid ahi dadka ay ku jiraan xaaladnaxdin ah, halka qaarkoodna ay ka muuqato daal iyo tabcaan.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com