Tartanka Koobka Kubadda Cagta Bisha Ramadaan Oo Maanta Si Rasmiya Ug Furmay Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil

Sheekh-(Berberanews)- Xarunta Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil waxa maanta su rasmiya uga furmay tartanka koobka bisha Ramadaan oo ay maalgelisay, soona qabanqaabisay shebekadda Berberanews, kaasoo ay ku tartami doonaan 9 kooxood.
 
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh Cabdikariin Yuusuf Saleebaan oo ka hadlay munaasibad furitaan loogu sammeeyay Garoonka kubadda Cagta koobka Ramadaan ee Degmada Sheekh oo lagu bilaabay tiimamka shirkadaha Somtel iyo Telesom ee Degmada Sheekh, ayaa ugu horayn u mahadnaqay maamulka shebekadda Berberanews oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaataan dhiirigelinta dhallinyaradda, waxaannu ciyaartoyga kala duwan ee ka qaybgelaya tartanka u soo jeediyay inay degannaansho iyo  akhlaaq wanaag u muujiyaan dadweynaha ka soo qaybgalay daawashada cayaarta.

Weriyaha Berberanews ee gobolka Saaxil Khadar Jaamac Xaashi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanay ahayn markii u horraysay ee shebekadu qabato tartan noocan oo kale ah, balse ay tiraba laba jeer ka qabatay degmada Sheekh iyo hal mar oo Berbera ah, islamarkaana ay sii wadi doonaan dedaalkooda horumarinta ciyaaraha ee dhallinyaradda, waxananu sheegay inay abaalgud siin doonaan ciyaartoyga akhlaag-wanaaga iyo ciyaar-wanaaga muujiya mudada uu tartanku socdo.

Kooxaha nasiibka u yeeshay  furitaanka koobka Ramadaan Cup ee degmada Sheikh, ayaa loo kala baxay labada kooxood shirkadaha isgaadhsiinta Sumtel iyo Telesom oo ciyaartu ku bilaabmatay habsami iyo hanaan wanaagsan iyadoo haafkii hore horaantiisa ay gacan saraysay kooda Telesom,  hadana nasiib umay yeelan inay wax goolal ah keensadaan, balse gebogebadii qaybta hore ee ciyaarta ayay kooxdaSumtel  keentay 1 gool oo uu u dhaliyay weraryhanka kooxdaas ee Maxamuud Saleebaan,

Waxa laysugu soo noqday qaybtii danbe ee ciyaarta oo laysu soo nastay waxaanay labada kooxood isla dhaafi waayeen weerar iyo weerar celin, islamarkaana uu wakhtigii dhammaaday iyadoo aan wax goolal ah la kala dhalin haafkii danbe, waxaanay guushu raacday kooxda Somtel oo 1:0 ku adkaatay.

Dadweyne fara badan oo ka soo qaybgalay daawashada ciyaarta, ayaa aad ula dhacay ciyaar wanaaga labada kooxood soo bandhigeen.
Maalinta beri ahna waxa fooda is-dari doona kooxaha  D/hoose iyo Waayo arag.


 
 
Berberanews.com
Sheekh