Wasaaradda Maaliyada Oo Hakisay Go’aan Ay Hore Ugu Soo Rogtay Ganacstada

“Fadliga Ramadaanta Awgeed arintii hore Wasiirku waxbuu ka bedelay oo waxa uu yidhi Sodonkaa
maalmood ee Ramadaanta Ganacsatada lacagta lagu leeyahay ha isakaga soo
bixiyaan” – Cali Bulbul


Berbera, August 03, 2011, (Berbera News) Isuduwaha
Maaliyadda Gobolka Saaxil ahna maamulaha Kastamka Laanta berbera Cali
Axmed  Bulbul ayaa sheegay in Fadliga Bisha Ramadaan darted Wasaarada Maaliyadu Wax ka bedeshay Go’aan ay hore ugu soo rogtay qaar kamid ah ganacsatada Dalka oo ay ku baaqatay Cahuurta loo
yaqaano macaashalmacaashku Sanadii 2008-dii, sidaana isuduwuhu wuxuu sheegay mar uu maalintii shalay Xafiiskiisa Magaalada Berbera ugu waramayey Weriyayaal ka socday Warbaahinta Maxaliga ah oo kula kulmay Xarunta kastamka Berbera.
Isuduwaha ahna Maamulaha Kastamka Laanta berbera oo ugu horayn ka hadlaya wax ka bedelka Go’aankii hore Wasaarada Maaliyadu ugu soo rogtay qaar kamid ah ganacsatada dalka ee ay ku baaqsatay cashuurta lagu magacaabo macaashalmacaashku Sanadkii lasoo dhaafay ee 2008-dii oo ay hore Wasaaradda maaliyadu ugu soo rogtay in aanay waxba kala soo degi karin Dekedaha iyo Marinada kale ee Dalka midkoodna hadii aanay iska bixin Cashuuraha ku baaqday iyo wax ka bedelka Go’aankaasi hore ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa;-
“Ganacsatada lacagta Wasaarada Maaliyadu ka rabtaa waa
Cashuurtii Macaashalmacaashka ee Sanadkii 2008-dii Ku baaqatay taas oo ay
waaxda cashuuraha berigu soo Gudbisay, kadibna Liis ayaa naloo keenay, ay ku
qoran yihiin ganacsatada ay cashuurtaasi macaashalmacaashku ku baaqsatay
2008-dii, si looga shubo lacagtaasi ku baaqatay, markaa wasaaradu waxoogaa
cadaadis ah ayay ku soo rogtay si ay Ganacsatada Cashuurta lagu leeyahay isaga
Bixisona waxa la yidhi yaan waxba loo cashuurin cidii iska bixin weyda
Cashuurtaasi ku baaqatay, qaarkood markiiba way bixiyeen kuwo aan weli bixinina
wey jiraan, hase yeeshee Fadliga Ramadaanta Awgeed arintii hore Wasiirku waxbuu
ka bedelay oo waxa uu yidhi Sodonkaa maalmood ee Ramadaanta Ganacsatada lacagta
lagu leeyahay ha isakaga soo bixiyaan halkii ay awal hore ka ahayd yaan waxba
loo cashuurin ganacsatada Liiska ku jirta ee aan ku qanacsanayn waxa u furan in
ay ka dacwiyaan waayo qofku waxa uu xaq u leeyahay in uu sifo sharci ah uga
dacwoodo wixii uu u arko in aan lagu lahayn” ayuu yidhi Isuduwaha Wasaardda
Maaliyada Gobolka Saaxil Cali Axmed Bulbul, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa
uu intaasi ku daray “Ganacstada Wadanku runtii Cashuurta Kastamka si wanaagsan
ayay u bixiyaan iyada oo aan cidina qasbin Tana sida aan hadalkayga hore ku
sheegay qaarkood wey bixiyeen kuwa  hadhayna waxaan ku rajaweynahay in ay bixin
doonaan Sodonkaas ramadaan wixii ka danbeeya hadii Alle Yidhaah” ayuu yidhi.

Isuduwaha oo wax laga weydiiyey shaqaale la sheegay in
dhawaan Wasiirka Maaliyadu shaqada ka eryay Shaqadii ay Wasaardda maaliyada u
hayeen kuwaas oo badankoodu ka howl geli jiray Laanta kastamka Berbera, iyo
denbiga ay galeen waxa uu sheegay in aanay jirin shaqaale la eryay balse ay
jiraan tiro    kamid ah
Shaqaalaha Maaliyada oo Wasiirku shaqada ka joojiyey “horta shaqaale la eryay  ma jiraan ee malaha si khaldan ayaa wax laguugu
sheegay eh  waxa jira ilaa sagaal qof oo
shaqaale ah  uu wasiirku shaqada ka
joojiyey,  shaqo joojinta iyo eriguna waa
wax kala duwan macnaha shaqo joojin marka la leeyahay waa inta waxa lagugu
eedaynayo la baadhayo wax shaqo ah ma qaban kartid inta aad maqasheena waa
intaas shaqaalahaasna waxa lagu eedaynayaa Under collection wax la yidhaado oo farabadan
qofku marka uu xoolaha soo eego waxa laga rabaa in sarkaalkaasi uu soo hubiyo
xoolahaas tiradooda, tayadooda iyo noocyadoodaba hadii markaa ay dhacdo in uu
wax ka tegay oo marka xoolhu rarmayaan la arko in faraq u dhexeeyo tiro ahaan iyo
tayo ahaanba xoolaha meesha maraya iyo cashuurta laga qabtay, halkaa weeye
meesha denbigu ka imanayaa eedana waxa yeelanaya qofkii soo eegay Xoolahaas
mana aha wax cusub ee waa wax weligeedba jirtay oo dhacda anagay nagu dhici
jirtay waana la baadhayaa baadhista kadibna cid la eryayaa waxaan filayaa ma
jirto hadaii laga tegi waayo waa anshaxmarin shaqaale waxa lagu xukumaa ee yaan
been iyo buunbuunin lagu darin ayaan leeyahay” ayuu yidhi Cali Bulbul.
 
Isuduwaha isla markaana ah Maamulaha Laanta Kastamka Berbera
oo ka jawaabaya su’aal kale oo ahayd in ay iyagu (Madaxda Kastamku) shaqaalaha
la ogaayeen arimaha lagu eedaynayo ka hor inta aan lagu qaban balse ay kaga
baxaan marka ay xaaladu fashilanto? Waxa uu yidhi “arintaas waxba kama jiraan
Ninkii wax soo eegay ayuun Denbiile noqonaya cid aan wax soo eegini marna Denbi
kuma yeelanayso” ayuu yidhi Isuduwaha Maaliyada Gobolka Saaxil Cali Axmed
Bulbul