Xarunta Cilmi-baadhista iyo Xog-Ururinta Cilmiga Dhulka Maraykanka Oo Shaaca Ka Qaaday Cabirka Dhulgariir Xalay Ku Dhuftay Gobollada Galbeedka Somaliland





Hargeysa-(Berberanews)-  Xarunta Cilmi baadhista iyo xog-ururinta macluumaadka dhulka Maraykanka ee u.s geolgical survy center data (USGS), ayaa daboolka ka qaaday cabirka heerka dhulgariir xoog leh oo xalay ku dhuftay gobollada Galbeedka Somaliland.
Warbixin ka soo baxday Xarunta USGS waxa lagu sheegay in dhulgariir xalay gilgilay dhul ballaadhan oo ka mid ah gobollada Galbeedka Somaliland sida Awdal, Hargeysa iyo Saaxil oo uu ugu badnaa gobolka Awdal cabbirkiisu ahaa 4.6 qiyaasta cabirka dhulgariirka.
 

 
 
 
 
 
 
 
 
Sidoo kale, Hay’adda Ka hortaga masiibooyinka Somaliland ee NERAD, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta Guddoomiyaha Xarunta Maxamed Muuse Cawaale ku qabtay Hargeysa ka sheegay in cabbirka dhulgariirkii xalay laga dareemay Somaliland uu ahaa 4.6, taasoo sii xoojisay warbixinta Maraykanka.

“ Dhul gariirkii xalay wuxuu Gaadhay 4.6, haddii uu gaadhi lahaa Shan ama Lix, guryuhu way burburi lahaayeen, Inaguna halis ayaynu gali lahayn, Waxa illaa hadda laysoo sheegayaa guryo in ay dumeen, balse wax dhimasho ah la iima soo sheegin, laakin Wajaale waxa ka dumay dhawr guri oo iskugu jira bakhaaro iyo guryo caadiya.” Ayuu yidhi Maxamed Muuse Cawaale.


Dhulgariirkii xalay ka dhacay Somaliland oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee abid taariikhda lagu arko, ayaan geysan khasaare nafeed, balse waxa jira khasaare mood oo ka soo gaadhay guryo badan oo ku yaal magaalooyinka Boorame iyo Wajaale oo ahaa meelaha uu ugu awooda badnaa.
 
Sida aad ka aragtaan sawiradda aanu idiin soo gudbinay oo ka mid ah guryaha Boorame ee uu khasaaraha gaadshiiyay.
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, office
Email, info@berberanews.com