Interpeace oo kala diraysa Shaqaalihii Doorashooyinka Somaliland iyo Komishanka oo Xukuumadda ka dalbaday inay Golaha Guurtidda isugu yeedho fadhi aan caadi ahayn

Hargeysa-(Berberanews)-Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland C/raxmaan Dixood ayaa walaac ka muujiyay talaabada ay Xukuumadda Somaliland uga aamusan tahay fasaxa aya Golaha Guurtiddu galeen, iyadoo uu horyaalo Xeer kii Doorashooyinka iyo Furashada Ururada oo ah Xeer muhiim u ah Qaranka oo haddii aan dhakso loo dhamaystirin ay Somaliland ku waayi doonto taageeradii aynu kaga kasbanay Caalamka Doorashooyinkii inoo soo qabsoomay, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay fadhi aan caadi ahayn inay Guurtida isugu yeedho.
Sidoo kale waxa uu C/raxmaan Dixood ka waramay dhibaatooyinka kala soo darsi kara Komishan ahaan iyo Doorashooyin ahaanba Qaadhaan bixiyayaasha taageeradii ay Somaliland ka siin jireen, isagoo xusay weftiyadii ugu danbeeyay ee la kulmay Xukuumadda iyo Baarlamaankuba inay ina tuseen sida ay uga xun yihiin haddii ay markale Doorashooyinku dib u dhacaan.
Sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi khaas ah oo uu wargeyska Waaheen  la yeeshay waxaanu ku bilaabay mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida ay u arkaan fasaxa Guurtiddu galay saamaynta ay ku yeelan karto Doorashooyinka wakhtigii loogu talagalay waxaanu yidhi “Doorashooyinkan Baaralamanku waxay ahaayeen Doorashooyin in muddo ahba dib u dhacayay, markii horena waxaanu ugu talo galnay oo ay ahayd labadii doorasho ee Muddo dhaafka ahaa ee Guurtida iyo Wakiilada in si deg deg ah loo qabto, ka dibna guurtidu waa tii ay muddo kordhin ku sameeyeen Doorashadii Deegaanka ee ay mudada u cayimeen tii wakiiladana mudada u cayimeen, markaa anagu anagoo ka duulayna muddo kordhintaasi ayaanu go’aansanay inaanu qabano Doorashadii Deegaanka Madaxweynuhuna waa kii ku baaqay in sanadka la qabto Doorashadii Deegaanka, laakiin maadaama oo taladu tidhi waa in Ururadii la furo, waxay noqonaysaa inaan sanadka lagu qaban Karin doorashada Deegaanka ee 2012 la qaban karo, anagu markaa waxaanu door bidayna in Komishanka lagu soo wareejiyo diwaan gelinta Ururada sida ka dhacda Caalamka intiisa badan, waayo komishanka ayuunbaa qabta diiwaangelinta Ururada Siyaasada, laakiin berigii hore waxa inagu khasbayay Komishan maynu lahayn, iminkase waxaanu u door bidaynay dee culays bay nagu tahay runtii laakiin Doorashooyinka dabada isku haya ee faraha badan inaynu ka faa’idaysano ayay ahayd , maxaa yeelay guddidan hada la magacaabayaa qaban-qaabadood, inta la dhaarinayo, inta ay xafiisyo samaysanayaa iyo inta ay Diyaar garoobayaan muddo dheer ayay qaadanaysaa, markaa anagu waxaanu door bidaynay hadii komishanka Doorashooyinka ee hada jira lagu soo wareejiyo Diiwaangelinta Ururada iyo hawshaas oo dhan inaanu Doorashada Golaha deegaanka qaban karayno Bisha April ee Sanadkan waananu soo bandhignay sida ay Doorashooyinki u kala horeeyaan iyo sida ay ku qabsoomayaanba, taa waxa noo dheer oo aanu ahmiyada siinaynaa in Diwaangelin cusub la sameeyo marka Doorashada Deegaanku ina dhaafto, taasoo sanad socon doonta si aanay ku noq-noqoshadii berigii dhawayd oo kale inoogu dhicin, markaa anagu waanagii soo bandhignay waxaas oo dhan waxaanan jeclayn xeerkan Ururada iyo diwaan-gelintooduba inay waafaqdo Doorashada sidii lagu qaban lahaa “
S: Madaxweynuhu waa kii hore ugu baaqay in Doorashooyinkaasi la dedejiyo, Guurtiduna waatan Fasaxa gashay iyagoo aan wali ansixin Xeerkii Furashada ururada siyaasada , markaa Saamayn intee leeg ayay ku yeealan kartaa Doorashooyinkii iyo hawlihii aad idinku wadeen arimahaasi?
J: tan Fasaxa guurtidu macno badan kuma fadhido, Hadii la doonayo in Doorashooyinka la soo dedejiyo dawladu way ka codsan kartaa Guurtida inay fadhiistaan iyadoo ay ramadaan tahay si ay Xeerka u Ansixiyaan, taasi Dawlada ayay ku xidhan tahay waanan rajaynaynaa in dawladu taasi samayso oo ay golaha guurtida isugu yeedho si ay xeerkaas u dhamaystiraan.
S: sidaynu ognahay Komishanka waxa Doorashooyinka ka Caawiya wadamada qaadhaan-bixiyayaasha, waxaana nagu Maqaale ah inay Gunooyinkii shaqaalaha idinka joojiyeen, kana niyad jabsanyihiin Doorashooyinku inay dib u dhacaan arimahaasi ka waran iyaga?
J:Runtii qaadhaanbixiyayaashu wax badan bay inagala qabteen Doorashooyinkii hore inay si habsami ah u dhacaan, doorashooyiinkii hore ee dhacayna way soo jiiteen qaadhaanbixiyayaasha. tusaale ahaan tii madaxtooyada oo ay aad ugu riyaaqeen sidii ay u qabsoontay iyo sidii loola kala wareegay,markaa iyagoo Doorashadaasi tix raacaya iminka waxaad ogtahay inay laba wafti oo culculus oo midna EU-da ka socdo midna Safaarada Ingiriiska iyo Dawlada Ingiriiska ay dalka yimaadeen oo Baarlamanka ugu khudbadeeyeen inaan Doorashooyinku wakhtigoodii dhaafin,taasi waxay ku tusaysaa ahmiyada ay u hayaan Deeq-bixiyayaashu Doorashooyinka Somaliland, tan shaqalaha anagaa ka codsanay qaadhaanbixiyayaasha markii hore inay shaqaaluhu meesha joogaan maadaama oo aanu markii hore filaynay inay Doorashadii Deegaanka iyo tii wakiiladaba la qabto, waayo shaqaale cusub oo aanu mar walba qoranaa anaga dhibaato ayay nagu keenaysa dabadeed waxay noqotay in shaqaaluhu meesha joogaa, iminkase waxa moodaa inay ka niyad jabsanyihiin Doorashadu inay wakhtigeedii ku qabsoomi waydo, oo anugaba runtii aadbaanu uga niyad jabsanahay, waayo lacagtan ay bixinayaan waa wax qorshaysan oo la soo ururiyay, markaa maadaama aanay muuqan wakhti doorashadii qabsoomayso shaqaalihii waa la soo koobay, taaasaana sabab u ah.