Chana: Wiil 11 Jir ah Oo Todobaad Gudihii Ku Soo Xeereeyay Lacag $500 Qaadhaan Uu Kaga Qaybgelayo Gurmadka Abaaraha Somalia

Khamiis, August 11, 2011(HOL) – Andasi oo ah wiil u dhashay dalka Ghana ee galbeedka Qaaradda Afrika,  da’diisuna tahay 11 jir, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu dhaqaale ugu ururiyay shacabka Soomaaliyeed ee abaarta iyo duruufaha colaadeed isu barkadeen ee dalka Somalia.

Andrew oo ah arday ku jira dugsi wax ka barta, ayaa ayaa todobaad ja hor bilaabay ururinta dhaqaale loogu gargaaro dadka abaaruhu ku sammeeyeen gudaha Somalia, ka dib markii uu ka damqaday sawirrada naxdinta leh ee muujinaya dadka lafahoodii ay soo saartay macaluushu, waxaannu ku guulaystay inuu soo ururiyo lacag gaadhaysa  $500 .
 
Andrew inii aanu qorshihiisa ku dhaqaaqin waxa uu uu kala tashaday qaabka uu u caawin karo dadka abaaraha Somalia madaxa hay’adda WFP u jooga dalka Ghana Ismaaciil Cumar, , isagoo kadibna account ka furay bankiga lacagaha loogu ridayo dadka dhibaataysan.
“Waxaan hubaa inaan bil gudaheed lacag ku aruurin karo,” ayuu BBC-da u sheegay  Andrew.
“Waxaan rabaa shakhsiyaadka , shirkadaha,kaniisahada iyo dhammaan ururuda kaleba inay igu caawiyaan inaan soo xareeyo 20 milyan oo ah lacagta dalka Ghana ee loo yaqaan cediska”.Ayuu sii raaciyay.
“Markuu xafiiskayga yimid ee uu ii sheegay waxa uu damacsanyahay inuu sameeyo, aad baan ugu farxay , waanan qiirooday”. Ayuu yidhi Ismaaciil madaxa WFP ee dalka Ghana.
“Waxaan kula taliyay inaanu raashin aruurin, waayo diyaaradda lagu qaadayo ayaa kharash badan iyo wakhtiba uu ku baxayaa, laakiin lacagta marka loo diro cunno ayay ku gadan karaan dadka dhibaataysan”. Ayuu sii raaciyay Ismaaciil.
Wariyaha BBC-da Ghana u jooga  Samuel Bartels  ayaa sheegay inay  dadka reer Ghana ay aad ula dhaceen sida wiilkan yar ay uga go’antahay u gargaaridda dadka Soomaaliyeed , taasoo keentay in lagu marti galiyo barnaamijyada ka baxa TV-yada dalkaasi Ghana.
Andrew wax uu daabacay boodhadh uu ugu ololaynayo sidii uu lacag ugu aruurin lahaa Soomaaliya, isagoo sheegay inuu dareenkiisu kacay,  markii uu teleefishinada ka daawaday dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed.
 
 
 
Berberanews.com
 
Xogo ku mid ah  warka waxaannnu ka soo qaaday Hiiraann Online