Berbera(berberanews):- dadka ku dhaqan magaalada xeebta ah ee Berbera iyo nawaaxigeeda oo kujira xilli adag oo ramadaan iyo xagaa isu galeen, ayaa habeenkii xalay ahaa si wayn ugu qabawsaday uguna nafisay roob magaalada Berbera iyo agagaarkeeda ka da,ay goor danbe oo habeenimadiiya.
inkastoo magaaladaq Berbera dhismeyaasheedu u badanyihiin kuwo qadiima, isla markaana xilliyada roobabku sidan oo kale u da,aan ay dad badan dhibaato kasoo gaadho, kadib marka guryuhu ku darooraan, hadana roobkan xalay oo ahaa mid kooban majrin cid wax dhibaata ah ka sheegtay, waxana uu ahaa raxmad dadka si wayn ugu riyaaqeen.
sidoo kale degmooyinka kale ee gobolka Saaxil ayaa waxa iyana saddexdii cisho ee ugu danbeeyey ka dayay roobab waaawayn. iyadoo tuulada Hudisa oo dhinaca koonfurta ka xigta magaalada Berbera la sheegay in roobab dabaylo watay oo habeen hore ka dayay ay guryo gaadhaya ilaa 20-dumeeyeen, sidoo kalena ay khasaare u gaysteen beero.
magaalada Berbera ayaa xilligan ku jirta xagaa aad u kulul iyo ramadaan, waxana dadka u raacda dhibaato wayn oo ay ku qabaan xagga laydhka oo qiimihiisu aad u qaaliyahay.
dhanka kale waxaan halkasii laga qaadin oo hal bacaad lagu lisay noqday bala- qaad uu maamulka gobolku u ballan qaaday shacabka in bilaha xagaaga qiimaha laydhka la jebin doono, isla markaana ay shidaal siin doonaan wersheda kootada laydhka Berbera oo qiimaheeda laydhka ay ku iibisaa aad u sareeyo. lamana garanayo in dawladda shidaalkii la noqotay iyo in wersheddu iska isticmaashay. balse waxa halkiisii taagan qiimhii qaaliga ahee ee laydhka oo ah unitkiiba $0.8 oo aan dadka danyarta ahi iska bixin karin.
Berberanews