Wasiir Geeljire Oo Munasibad Aftir iyo Casho-sharafa U Sammeeyay Ururka Haweenka Qurbojooga SLWA

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayaraadka badaha Cabdillaahi Maxamed Geeljire,ayaa xalayt casuumad sharafeed aafur iyo casho ah ugu sammeeyay Hudheelka Ambasaddor Ururka Haweenka SLWA (Somaliland Women Association) oo ah urur saldhigiisu yahay London, laamana ku leh Somaliland.
 

Munaasibad-sharafeedkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir iyo Agaasimaha xafiiska xidhiidhka goleyaasha madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir, ayaa Wasiir Geeljire oo hadal kooban ka jeediyay,sheegay in munaasibadani tahay mid ka jawaabaysa soo-dhawayn Haweenka SLWA ku bahoobey u sammeeyeen isaga iyo xubno xukuumada ka tirsan oo safar ku tegay London.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Wasiirku waxa uu xogwaran ka bixiyay duruufaha ku xeeran mandaqada Afrika ee badankeeda qalalaasuhu hadheeyay iyo sida Somaliland uga nabadgashay, una abuurtay nabadgelyo iyo hanaan dimuqraadi ah oo ay kaga gaashaamatay dhibaatooyinkaas.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Wasiir Geeljire waxa uu carabka ku dhuftay in dalal badan oo adduunka ahi u soo jeesteen Somaliland oo ay danaynayaan, gaar ahaan dawladda Ingiriiska oo wakhtiyadan danbe taageero u muujinaysa Somaliland.

Guddoomiyaha Ururka SLWA Marwo Caasha Xuseen Maraykan, ayaa uga mahadcelisay  sida qiimaha leh ee Wasiiraddu u soo dhaweeyeen, islamarkaana xustay in ururkoodu yahay mid ka shaqayn doona horumarinta iyo taakulaynta dadka ku dayacan dalka gudihiisa (Vulnerable people).

Guddoomiye Caasha waxay intaa raacisay in ururku wakiillo iyo xafiisyo ku leeyahay gudaha Somaliland, iyadoo qaar ka mid ah wakiillada gudaha ee SLWA ka soo qaybgaleen munaasibadda.
Qaar ka mid ah haweenka qurbojooga ah ee ka soo qaybgalay, ayaa iyaguna su’aalo kala duwan ka weydiiyaya wasiiradda xaaladaha kala duwan ee dalku ku suganyahay, qorshaha dawladda iyo tilmaamo iyo tallooyin ay u jeediyeen.