Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland magacwaday Guddi farsamo oo ka soo talo-bixisa sidii gurmad loo gaadhsiin lahaa dadka abaauruhu sammeeyeen ee dalka Somalia.
Sida lagu faafiyay war-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland ee manta oo uu hoggaaminayay Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa laga soo saaray go’aanno loogu gurmanayo abaaraha daran eek u dhuftay dalka Somalia oo lagu magacabay Guddi wasiirro iyo wasiiro ku-xigeenno ah oo ka soo talo-bixiya.
Sidoo kale, waxay xukuumadda Somaliland u fasaxday dekedda Berbera cid kasta oo taakulo ka geysanaysa abaaraha Somalia.
War-saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:
“Fadhigii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada JSL, oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood dheer ka dib lagu go’aamiyey:-
- In ay Somaliland diyaar u tahay Gurmadka Caalamiga ah ee loo fidinayo dadka ay bara kiciyeen abbaaruhu ee mandaqada geeska Africa siiba Soomaaliya.
- Sidoo kale Waxa la magaacay Guddi Heer Qaran ah oo ka soo tala bixinaysa kaalinta Gurmadka ee Somaliland, iyo sidii Qaadhaan loogu heli lahaa dadka ku tabaalaysan soomaaliya.
- Iyo In Cidallaale cidii taakulo u sida Dadka ku macaluullaya soomaaliya loo fasaxay Dekeda Berbera isticmaalkeeda loona soo marin karo Dadkaa Macaluushu saamaysay iyo in ay Somaliland uga sii gudbin karaan Cuntada ay u sidaan Soomaaliya.
Xubnaha Guddida oo Dhan 7 Xubnood waxa ay kala yihiin sidan :-
- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
- Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Mudane, Axmed X. Cali Cadami
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed
- Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta Sh. Khaliif Cabdilaahi Axmed
- Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Mrashiid Sh. Xasan
- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan
- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta. Cali Cabdi Saayiq.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com