Sanca -(Berberanews/Wakaaladaha wararka) Ismari waagii u dhexeeyay dhinacyadda isku haya hogaanka dalka Yemen ayaa mar kale cirka isku shareeray, waxaana soo baxaya astaamo muujinaya in xaaladu qarka u saaran tahay colaad sokeeye oo dalkaas ka hurta, ka dib markii mucaaridka dalkaasi ku dhawaaqeen Gole Qaran oo ka hawl gala badbaadinta Yemen, xukuumaduna hanjabaad kaga jawaabtay.
Dalka Yemen oo bilihii u danbeeyay ay ka socdeen mudaharaadyo salmi ah oo dadka soo qaban qaabiyay ku dalbanayaan in xukunka uu ka dego madaxweynaha dalkaas, Cali Cabdalle Saalax ayaa u muuqday mid xalkiisu soo dhawaaday, dad badanina ay rajaynayeen inuu wakhti kooban iyo wada hadal ku dhamaado.
Rejadaasi oo ka dhalatay socdaalkii caafimaad ee Madaxweyne Saalax dalkaas kaga baxay bishii Jun ee aynu soo dhaafnay, ka dib dhaawac culus oo ka soo gaadhay duqayn loogu gaystay masaajid ku yaalay xarunta madaxtooyada ee dalkaas, oo keenay in dawayn loo geeyo cusbitaal ku yaala dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Intii uu Saalax ku jiray cusbitaalka waxa jiray warar la isla dhex marayo oo sheegaya in madaxweynuhu talada wareejin doono oo aanu dalka dib ugu noqon doonin, taas oo la tilmaamayay in Maraykanka iyo Sucuudigu ka odayaynayeen, hasa yeeshee waxay dhamaan yididiilooyinkaasi burbureen, markii laba maalmood ka hor uu Madaxweyne Saalax fariin uu leeyahay laga sii daayay warbaahinta dalkiisa iyo ta caalamka.
Fariinta Saalax ayuu ugu sheegay taageerayaashiisa inuu deg deg ugu soo noqonayo dalka Yemen hogaaminta dalkana halkaa ka sii wadayo, inta xukuumad la soo doortay ay talada kala wareegayso. Markii fariinta Madaxweyne Saalax la baahiyay, ayaa kooxaha kacdoonka wada iyo mucaaridka dalkaasi isla oogsadeen, kuna hanjabeen inay talaabo dhinacooda u gaar ah qaadan doonaan.
Haddaba arbacadii maanta ayay mucaaridka dalkaas ku dhawaaqeen gole loogu yeedhay Golaha Qaranka kaas oo ka kooban 143-xubnood, oo sida lagu sheegay war-muurtiyeed laga soo saaray ku dhawaaqista golahaas, ka kooban dhamaan mucaaridka iyo dadka kacdoonka wada ee dalkaas, hadday yihiin kuwa gudaha iyo kuwa dibad jooga ahba.
Markii dhismaha golahaasi soo baxay ayaa jawaab xukuumada dalkaas iyo taageerayaasha Madaxweyne Saalax ka soo saareen ay ku sheegeen in talaabada mucaaridku qaaday ay dalkaas galinayso burbur iyo dagaal sokooye oo riiq dheeraada. Sidoo kale taageerayaasha Saalax waxay ku hanjabeen inay talaabo adag ka qaadan doonaan arintaas, isla markaana difaaci doonaan dalka, si looga badbaadiyo burbur iyo fawdo ka dhacda, waa sida hadalka loo dhigaye.
Sidoo kale waxa maalmihii ugu danbeeyay labada dhinac mid walba gaarkiisa u qabtay carwo lagu soo bandhigayo dhibanayaashii ficilada dhinaca kale kula kacay, kuwaas oo u badnaa muuqaalo laga qaaday dadkii ka dhaawacmay iyo kuwii kaga dhintay. Dhinaca dawladda ayaa soo bandhigay sawiro dad badan oo ku waxyeeloobay kacdoonada dalkaas oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Saalax iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dawlada dalkaas, waxa kale oo ay soo bandhigeen, sawiro laga qaaday xarumo dawladdeed iyo meelo shacabku leeyahay oo la gubay ama la bililiqaystay iyo khasaarayaal ka dhashay oo ay ku tilmaameen kuwo ay ku kaceen kooxaha ammaan diidka ah ee rabshadaha ka wada dalka Yemen.
Mucaaridka ayaa iyaguna dhinacooda u qabtay carwo lagu soo bandhigayo muuqaalo iyo dad dhibanayaal ah oo ciidamada taageersan Madaxweyne Saalax dileen ama dhaawaceen, sidoo kale waxaan ka madhnayn xaafado iyo magaalooyin la duqeeyay iyo burbur lagula kacay goobo halbowle u ah arrimaha bulshada ee dalkaas.
Isku soo wada duubo xurgufta u dhaxaysa labada dhinac ee ka sii daraysa, burburka isku dayada lagu joojinayo dhibaata iyo hanjabaadaha dhinac walba soo jeedinayo ayaa u muuqda kuwo dalkaas galin kara colaad daba dheeraata iyo burbur, sidoo kale talaabadan u danbaysay ee mucaaridka dalkaas qaatay iyo ku dhawaaqista golaha Qaranka ayaa u eg mid dalkaas ka abuuri karta laba dawladood oo wax kasta laga filan karo inuu dalkaasi yeesho.
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com