Agaasimaha Agoomaha Hargeysa oo guddoontay Shan Boqol iyo Sagaal Labbis oo loogu Deeqay Carruurta Xaruntaas

Hargeysa (Berberanews)- Agaasimaha Xarunta Agoomaha magaalada Hargeysa Marwo Caasha  Maxamuud Qaalib, ayaa guddoontay Shan boqol iyo Sagaal Isku-joog ama Labbis oo loogu deeqay Carruurta ku jirta Xaruntaasi inay ku ciidan Ciidul-fidriga haddii Illaahay yidhaahdo, kuwaasoo isugu jira kuwa dhashay illaa kuwa Jaamcadaha dhigta ee lagu hayo xaruntaas.
Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud, waxa ay si weyn ugu mahad-celisay Ganacsada iska leh Mulkiyadda Shirkadda Al-Nuur Furniture Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo isagu Deeqdaas Dharka iyo Kabaha Ciidda ee Shan boqol iyo Sagaal Arday shalay ku wareejiyey Agaasimaha Xaruntaas.

Marwo Caasha waxay sheegtay inay Mulkiilaha Shirkaddaas kaga farxisay Boqolaalka carruurta ah ee ku jira Xarunta Agoomaha ee Caasimadda Hargeysa ay u ahaan jirtay Macallimad waqti ay ka howl-gelijirtay Dugsiga Biyo-dhacay Ee Hargeysa. “Waxaan halkan ku qaabbiley oo noo yimi shirkadda Al- Nuur ee uu leeyahay Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo ah ganacsidde dhalinyaro ah oo ganacsigiisa Ilaahay Barkeeyay. Al-Nuur waxaa uu kafaalo- qaatay inuu Ciiddan Ramadaan carruurta Xarunta Agoomaha ku jirta oo da’ walba leh Ilaa ilmaha dhashay ee la  noo keenay hadda illaa Ilmaha Jaamacadda ku jira waxaa uu ka faalo qaatay Dharkooddii Ciida oo dhameystiran, kuwaasoo isugu jira, Shaadhadhkii, Saraawiishii, Kabihii, Garamaantii iyo sharabaaddadii.” Sidaa ayey tidhi Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib.

Waxaanay Agaasimaha oo hadalkeeda sii wadataa intaa ku dartay oo ay tidhi; “Dharkaasi waxay ka kooban-yihiin oo ay u xidhmayaan 509 (Shan-Boqol iyo Sagaal qof) oo isku-joog ama mar xidhasho oo aanay qofna waxba ka dhinnayn. Waxaan leeyahay Cabdiraxmaanama Shirkadda Al Nuur aad iyo aad ayaanu kuugu mahadcelinaynaa, waxaanan Ilaahay kaaga rajeynaynaa inuu Ganacsigaagu noqdo mid Caalamka oo dhan kubaaha.”

Marwo Caasha waxay sheegtay in ay shirkadda Al-Nuur iyadu iskeed tabarucan u fiddisay, Isla markaana ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee waxtarka intaa leeg u  fidisa Xarunta Agoomaha iyagoo waliba ay xustay inaanay ka dalban oo aanay yabooh weydiisan, hase ahaatee, ay iyagu is-xilqaameen oo ay maalmaha khayrka leh go’aan sadeen inay ka farxiyaan carruurtaas Agoomaha ah. Waxaanay shacbiga kale iyo shirkaddaha ugu baaqday inay ku daydaan Mulkiilaha Shirkadda Al-Nuur.  

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Abbokor Sheekh Axmed Geeddi oo ka socday Shirkadda Al-Nuur, waxaanu yidhi; “Anigoo ka wakiil ah shirkadda Al Nuur, sida ay maamulaha xarunta agoomaha Hargeysa idiin sheegtay, waxaanu halkan keenay shan boqol iyo sagaal Labbis oo dhameystiran oo aanu ugu talo-gallay in caruurta Xaruntani kula faraxdo dadkooda reer Somaliland, mana aha markii ugu horeysay ee aanu keenay Dharhalkan, sanadkii hore waxaanu keenay boqol caruur ah ciidood. Waxa kale oo aannu ballan-qaadnay sannad kasta in aannu ciidsiinno haddii Illaahay Idmo Carruurta xaruntan ku jirta.”
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanedws.com