Madaxweynaha Somaliland oo dhaqan geliyay xeerka furashada ururada siyaasadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay xeerka nidaamka ururada iyo Axsaabta siyaasada Somaliland ka dib markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtidu uu midba dhinaciisa cod aqlabiyad ah ugu meel mariyay xeerkan oo dad badani danaynayaan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay war saxaafadeed kooban oo maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland oo u dhignaa sidan
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.
Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.”
Xeerkani waxa uu dhigayaa in dalka laga furi karo ururo siyaasadeed oo ku baratama doorashooyinka dawladaha hoose ee fooda inagu soo haya oo la tartama sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray, waxaana sadexda urur ee ugu sareeya doorashooyinka goleyaasha deegaanku ay noqonayaan sadexda xisbi qaran.
Ururada siyaasadeed ee dalka laga furi doono waxa lagu diiwaan gelinayaa lacag dhan 150 malyan shilinka Somaliland ah oo u dhiganta 20 kun oo Dollar.
 
Berberanews.com
Email, inf@berberanews.com