Bosaso-(Berberanews)- Markab lagu magacaabo al-ayman oo galabta ka qaaday dekedda Boosaaso xoolo tiradooda lagu sheegay 3,000 oo neef, oo isugu jira adhi iyo l’o kuna sii jeeday Emaaradka Carabta, ayaa dab ku qabsaday meel 30 mayl u jirta dakkada boosaso.
Gurmad maamulka Puntland u sameeyeen markabkan, ayay ku guulaysteen inay badbaadiyaan 19 ka mid ah shaqaale 21 ah oo markabka la socday, halka saddex ka mid ahi badda isku tureen markii dabka markabka qabsaday xoogaystay, sida uu saxaafadad u sheegay Agaasimaha guud wasaarada Dakkadaha iyo gaadiidka bada Puntland Cabdimajiid samatar.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in dabku ka bilaabmay khanka hoose ee markabka, kuna fiday qaybaha kale, gurmad ay u sammeeyeena waxba lagaga qaban kari waayay badbaadinta markabka iyo xoolihii saarnaa.
Shaqaalaha ka samata-baxay markabkan, oo u kala dhashay dalalka Somalia,sirilanka,Sudan,hindia iyo dalka ereteria, ayaa ku sugan magalada boosaso marka laga reebo 3 ka mid ah shaqalaha oo isku tuuray badda.
Berberanews.com