Muqdisho-(Berberanews)- Laba askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ku-meel-gaadhka ayaa lagu toogtay Muqdisho, kuwaasoo Maxkamada Ciidamada ku riday xukun dil ah.
Askarta dilka lagu fuliyay oo magacyadoodu kala ahaayeen Dable Cabdillaahi Jiinow Guure iyo Dable Cabdi Sankuus Cabdi, ka dib markii lagu helay dil ay u geysteen laba askari oo ay ciidanka ka wada tirsanaayeen.
Saraakiil booliska ka tirsan, ayaa goobjoog ka ahaa markii dilkaas lagu fulinayay labada askari oo lagu toogtay iskuul u gaara ciidanka booliska Muqdisho..
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada DF Col. Xasan Maxamed Xuseen [Mun-gab] oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in askari kasta oo ku kaca ficil dil ah, isagana la dili doono, sida labadaas askari
“Askarigii la qabto isagoo dil u geystay askari kale ama qof shacab ah waxaa la marsiin doonaan xukunkan oo kale” ayuu yiri Col. Mun-gab oo sheegay in askarigii isaguna dhac geysta uu mudan karo dil toogasho.
“Waxaa jira askar dad shacab ah oo ku xukuman dil kuwaasoo dhawaan lagu fulin doono xukunada” ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyaha maxkamada ciidamada DF, isagoo intaas ku daray in Maxkamadu ay heegan ku jirto iyadoo ilaalinaysa anshaxa ciidamada.
Berberanews
Muqdisho, Somalia