Tripoli-(Berberanews/w.wararka)- Dagaallo goos goos ah oo u dhexeeya ciidammo daacad u ah hoggaamiyaha go’doonsan, Col. Qaddaafi iyo xoogaga isbahaysiga Nato taageerayaan ee mucaaridka, ayaa ka soconaya caasimadda Libya ee Tripoli. Ka dib markii mucaaridku xalay gudaha u galeen, oo ay qabsadeen qaybo badan.
Dawladda Libya ayaa sheegtay in 65 kun oo askari oo daacad u ah, Qaddaafi ay ku jiraan magaalada oo ay weli dagaalamayaan, iyadoo Hoggaamiyaha mucaaradka, Mustafa Abdel Jalil, uu ka digay in weli ay jiraan qaar is daafacaya meelaha qaar duleedka caasimada iyo xaafado magaalada ka mid ah.
Ciidammadda daacada u ah Qaddaafi, ayaa lagu soo waramayaa in ay wali haysteen xaafaddaha qaarkood iyagoo halkaasina ka wada iska caabin. Kumannaan taageerayaal u ah mucaaridka ayaa iyaguna isugu soo baxay degaya fagaaraha loo yaqaan Barxadda Cagaaran, halkaas oo ay ku bannaan bixi jireen taageerayaasha Qaddaafi. Fagaarahaas magaciisii hore wuxuu ahaa, Fagaaraha Naftood Hurayaasha, waxayna hada mucaaridku u bixiyeen fagaaraha xoriyada.
._
Mucaaridku waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba wiil oo uu dhalay Qadaafi, kuwaas oo kala ah Maxamed Qadaafi oo aan isagu qayb ka ahayn xukunka aabihii iyo Seif Islaam oo ahaa dhaxal sugaha hogaanka dalkaa, isla markaana si weyn usoo shaac baxay markii ay kacdoonadu ka bilaabeen halkaa lix bilood ka hor. Maxamed Qadaafi ayaa laga sii daayay warbaahinta, iyadoo ay gudigiisa ilaalinayaan mucaaridku. Laakiin Seif Islaam ma jiraan warar xaqiijinaya inay gacanta ku dhigeen Mucaaridku.
Waxa isweydiinta ugu weyni ka taagantahay halka uu ku suganyahay suganyahay Madaxweyne Qadaafi, iyadoo wararka qaar sheegayaan in loo malaynayo inuu Qadaafi u baxay dhinaca dalka South Africa, taas oo soo baxday markii ay habeen hore yimaadeen madaarka Tripoli laba diyaaradood oo laga leeyahay Koonfur Afrika. Haseyeeshee dawladda South Africa way beenisay in diyaaradahoodu caga-dhigteen Tripoli.
Magaalada Tripoli waxa ka socda bililiqo iyo fawdo, iyadoo hub fara badan oo lagala baxay Xeryaha ciidammada Qaddaafi u gacangaleen shacabka, waxaana cabsi weyni ka taagantahay sida ay ku danbayn doono xaaladda Liibiya.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com