Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga cadaalada Somaliland, ayaa soo saaray go’aan ay xilkii kaga qaadeen Guddoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa, ka dib markii lagu helay inuu sifo sharci daro ah uga soo daayay xabsiga Hargeysa koox budhcad-badeed ah.
Caddaaladda Somaliland, ayaa soo saaray go’aan ay xilkii kaga qaadeen Guddoomiyihii maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Hargeysa, kadib markii lagu helay eedaymo ah inuuu maxaabiiisa oo ay hore u xukummeen maxkamadaha Gobolka Saaxil ee rafcaanka iyo ta gobolkubauu si sharci daro ah xadhigii uga iibiyay, isagoo aan awood u lahayn inuu ka iibiyo isagu xukunkaas ku dhacay.
Go’aanka Guddiga Caddaaladu soo saartay oo wasiirka Wasaaradda Caddaaladduna fuliyey, waxa uu u qornaa sidan;
“Wasaarada Cadaallada iyo Garsoorku iyadoo cuskanaysa Qodobka 106-aad ee dastuurrka qaranka oo qeexaya in Wasaaradda cadaalladu u xilsaaran tahay fulinta Go’aamada Guddida Cadaallada.
Gudida Cadaalladdu markii ay arkeen danta guud ee cadaallada ee ay arkeen Qodobada 107, 108 ee dastuurrka qaranka.
Markii ay arkeen dood dheer iyo falanqeyna ay ka yeesheen dacwad la xidhiidha Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa oo farro gelin ku sameeyay maxaabiis xukuman oo xadhigii ka iibiyay, dacwaddaasi oo uu u soo gudbiyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland.
Sidaas darted, waxa Guddida cadaalladdu ay go’aamiyeen qodobadan:-
1)- In laga diiday Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka maamuus ka xayuubintii iyo dacwad ka hor oogidii Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa.
2)- In shaqadii laga saaray Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa, laga bilaabo fadhiggii guddida Cadaalladda oo bishu ahayd 21/08/2011.”