Hargeysa (Berberanews)- Qoysas qurbo-joog tiro badan oo wakhtiga xagaaga dalka yimi, ayaa ku cadillan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kadib markii diyaaradda DJibouti Air oo markii soo qaaday, isla markaana celin lahayd joojisay gebi ahaanba duullimaadyadii ay ku iman jiray garoomada Somaliland.
Qoysaskan oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa laba kun oo qof oo ka mid ah rakaab la socday ilaa 36 duulimaad oo diyaaradda Djibouti Air keentay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ka kala yimi qaaradaha Yurub oo tirada ugu badani ka timi, America iyo Australia, iyagoo wakhtiganna u diyaargaroobay sidii ay dib ugu noqon lahaayeen.
Haseyeeshee, nasiib-darro waxa dadkaasi la kulmeen dhibaato culus oo kaga timi diyaaradii ay raaci lahaayeen oo gebi ahaanba joojisay duulimaadyadeedii, iyagoo waayey saddex duulimaad oo toddobaadyadii u dambeeyey bixi lahaa.
Qaar ka mid ah qoysaska u cadillan diyaarad la’aanta ku dhacday oo tiradoodu gaadhayso ilaa 50 qof, ayaa shalay isugu yimi barxadda hore xafiiska wakiilka ka ah diyaaradda Djibouti oo la yidhaa NOBLE Travel Agency & Tour oo ku yaal dabaqa badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanay dadkaas oo aad u walaacsan wejiyadoodana ay ka muuqato cadho aad u fara badan sheegeen in la khiyaameeyey.
Dadkaas oo barxadda hore ee xafiiska ay cabashada la hortageen kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in aanay garanayn sababta ilaa hadda diyaaradda Jibouti Air iyadoo lacagtoodii haysata u joojisay duulimaadyadeedii, waxaanay ku eedeeyeen xukuumadda Somaliland oo iyadu diyaaradddaasi siisay ruqsada oggolaanshaha in aanay tallaabo ku filan qaadin dhibaatada haysata.
“Anigu waxaan ka imi dalka Ingiriiska, waxaannan ku imi kalsooni aan ku qabay dalkayga iyo caawimadii dalkayaga iyo ehelkayga, anigu waxaan halkan la imi $20,000 (labaatan kun oo dollar) oo aan dalka geliyey oo aan wax ku iibsaday, waan karayey in aan la tago meel ka wanaagsan. Iminka markii aan damcay in aan dib u noqday waxa la igu yidhi waxba laguuma hayo iminka shaqooyinkayagii waanu waynay, tikidhayadii way dhacayaan, waayo diyaaradii waxa la yidhi saddexdii toddobaad ee hore may iman, qolada wakiilka ah ee NOBLE waxay yidhaahdeen waxba kama qaban karno. Dawladdu iyadaa ruqsada siisay waxaan u tagay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista oo aan u tagay wuxuu inagu yidhi qurba-joogu xaq naguma laha, xaqayagii waxaannu ku leenahay cidii ruqsada siisay.” Sidaa waxa yidhi Cabdi Sulub Xuseen oo ka mid ahaa dadkii shalay cabashada isugu soo baxay.
Baashe Siciid oo ka mid ah dadka cadillan ee dhibaatadu ku dhacday, ayaa isaguna ka hadlay dhibaatada ku dhacday, waxaannu yidhi, “Dadkan meesha ku cadilan waxa ku jira carruur yar yar oo dugsiyo ku noqon lahayd, dad shaqaale ah oo shaqooyinkoodii ka habsaamaya, dad waayeel ah oo iyaga laftoodu hawlo caafimaad u socda, markaa xukuumadda waxaan ka codsanaynaa inay arrintan diyaarada soo farogeliso, waayo dadku iyada ayey u yimaadeen oo waa dadkii dalku ku dhisnaa, haddii aanay diyaaradan Somaliland ruqsad siina lacagtooda ayey haysan lahaayeen, markaa mar waxaan xukuumadda ugu baaqayaa inay arintan soo faro geliso.”
Mr. Baashe waxa uu intaa ku daray, “Diyaaraddu waxay dalka keentay ilaa 36 duulimaad oo midkiiba saaran yihiin ilaa 150 qof dhamaana dadkaasi hadda way cadilan yihiin, markii horena Somaliland ayaa ruqsada siisay oo Wasaarada Duulista u qaabilsan dhinaca hawada ayaa siisay, waxaanna la sheegayaa in xataa Madaxweynuhu oggolaanshaha diyaaradan la siiyay uu qayb ka yahay. Inamadii xafiiska diyaaradda joogay markii aannu u tagnayna waxay nagu yidhaahdeen annaga arrintiinu way naga sarraysaa, waxaanan ka masuul nahay oo kaliya inaan idin soo qaadno iyo inaan idin celino, wax intaa ka badana idiinma qaban karno, markaa anagu waxaanu codsanaynaa ama Jabuuti ha loo tago ama diyaarad kale hanala saaro’e in nala celiyo, haddii kale dadkani niyad jab iyo sumcad xumo ayay dalka kala noqonayaan.”
Sidoo kale, Ramla Cali Cumar ayaa iyaduna cabbirtay dhibta ku dhacday, “Anigu waxaan ka imi magaalada London oo 23 July ayey diyaaradda Air Jibouti i keentay dalka, waxaannan ku qoranahay in aan noqdo 1 September, subax kasta markaan u imaado xafiiska ka wakiilka ah waxay inagu odhanayaan duulimaad ma hayno. 7 September waxa Dubai iga qaadi lahayd oo iga tagaysa shirkadda diyaaradaha ee British Airways oo qoyskayga oo 7 qof ah qofkiiba iga qaaday $1000, lacagta intaa le’eg laba sanno ayaan urursanayey oo aan doonayey in carruurtu dhaqankooda iyo dalkooda soo arkaan, carruurtu iminka waxay geli lahaayeen dugsiyadoodii oo haddii kale laga mamnuucayo, markaa yaa ka masuul ah khasaarahaas.”
Cabdillaahi Baaruud Cige oo isaguna ka mid ah dadka qoysaskoodu u cadilan yihiin diyaarad la’aanta dhacday, ayaa sheegay in dhibaatada ku dhacday ay saamayn weyn ku yeelanayso waxbarashadii carruurtiisa, isagoo arrintan waxqabashadeedana ku dhaliilay xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Duulista.
“Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi xafiiskiisa waxaan tagay in ka badan 15 jeer mar walba waxa la igu lahaa wuxuu maqan yahay madaarka, markaa waxaan kala garan la’ahay in wasiirkani yahay wasiir xafiiskiisa fadhiista oo loogu soo hagaago iyo inuu yahay maareeye madaar.”
Saleebaan Samatar Muuse oo ka yimi dalka Norway oo isaga qoyskiisa oo 5 qof ka kooban ku qornaayeen duulimaadkii ugu dambeeyey ee diyaaraddu Somaliland kaga baxday, ayaa sheegay in si caddaalad-darro ah looga reebay, laguna beddelay dad kale, “Waxaan ku jiray liiska ugu horreeya dadka diyaaradda raacaya, markii aan madaarka Berbera tagay sidii aan kuyuu ugu jiray ayaa la igu yidhi saddex kursi oo keliya ayaanu kuu haynaa aniguna 5 qof baan ahaa, kadib sidii aanu u murmaynay ayaa diyaaraddii kacday, ninka maareeyaha ka ah madaarka Berbera ayaan weliba filayaa inuu masuuliyadda inta ugu badan leeyahay, sababta oo ah markii aannu ninkii diyaaradda ku nidhi liiska sax oo dadka aan ku jirin ka saar intuu maareeyuhu inta uu albaabkii ka furay diyaaraddii askartii ku yidhi iga dareeriya dadkan qaylinaya. Waa wax aad looga yakhyakhsood oo waddanka iyo dadkaba ku xun, ninka maalin arrintaasi ku dhacdo waxa laga yaabaa Somaliland-ba wuu ka canaaqayaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Mr. Saleebaan Samatar Muuse.
Geesta kale, Maareeyaha xafiiska NOBLE Travel Agency $ Tour ee Somaliland oo wakiil u ahaa diyaaradda Jabouti Airline iyo kuwa kaleba Mr. Cabdiqafaar Maxamuud Ciise, ayaa sheegay in shirkadda Jabouti Air iyadu go’aansatay inay joojiso duulimaadyadeedii iyadoo aan la garanayn sababta arrintaasi keentay, isla markaana ay ka xun yihiin dhibaatada ku dhacday dadka qurba-jooga ah.
“Noble Travel waxa uu wada shaqayn hordhac ah la lahaa shirkadda Jibouti Air oo heshiiskiisu yahay saddex bilood oo aannu qiimaynaynay inaannu la shaqayn karno, nasiib-darro rakaabkii Jibouti Air keentay dalka muddadii saddex bilood ahayd waxaan ku odhan karaa way ku guuldarraysatay inay celiso oo duulimaadyadeedii way kadib dhaceen.
Dad ka badan ilaa 2000 qof gaadhaya oo dalka keeneen oo u baahan inay wakhtiyadoodii ku noqdaan oo ay ka dhacayaan tikidhadoodii Dubai ilaa dalalkii ay ka yimaaddeen, dadkaasi aad bay u dhibaataysan yihiin iyagoo wata carruur iyo dumar, markaa arrintaasi waa in xukuumaddu dib u eegto. Annagu shirkaddan heshiiskii aannu ku wada shaqaynayn wuu dhacay,” ayuu yidhi Mr. Cabdiqafaar.
Maamulaha xafiiska NOBLE waxa uu intaa ku daray, “Annagaba shirkadda dhibaato ayaa naga haysata mana garanayno ilaa hada sabab duulimaadkeedii ay u joojisay mid ka mid ah oo tusaale ahaan laba duulimaad ayaa iman jiray dalka muddo sadex toddobaad ah ma hayno, markaa anagu waanu u sheegnay rakaabka inaanay dhibaatadu xagayaga hayn, iyana kolleay xukuumadda way u gudbiyeen arrintan markaa Xukuumadda ayaa jawaab laga sugayaa, waayo iyadaa liisanka siisay.”
Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo aannu isku daynay in aannu arrintan wax ka waydiino ayaanay noo suurtogelin, kadib markii aannu shalay xafiiskiisa ka waynay Wasiirka Wasaaraddaasi, isla markaana Agaasimaha Guud oo aannu halkaasi kula kulanay uu jawaabta arrintan isaga riixay dhinaca wasiirka.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com