SHEEKH : Gadiidka waaweyn ee xoolaha qaada oo mudaharaad ka sammeeyay gudaha magaalada iyo maamulka oo ka hadlay

Sheekh-(Berberanews)- Gadiidka waaweyn gaar ahaan kuwa qaada xoolaha ka dhoofa marsada Berbera,  ayaa maanta mudaharaad cabasho ah ka dhigay magaalada Sheikh, ka dib markii muddo gelina ay ku xayirnaayeen kaantaroolka magaalada sheikh.

Gadiidkan oo siday xoolo ay ka soo qaadeen Gobolka Togdheer una socday Berbera, ayaa waxaa maamulka Degmada Shiekh ku soo rogeen cashuur kala duwan oo laga qaadayo gaadiidka mara wadada Sheikh,taas oo sababtay in ay in muddo ah gaadiidkan xoolaha sidaa ku xiyarmaan Kaantaroolka magaalada Shiekh,ka dib markii ay diideen lacagtaas oo ay ku andacoodeen mid aan xaq loogu lahayn oo aan hore looga qaadi jirin, laguna soo cashuuray Burco.

Gaadiidkan oo abaaro 12:00pm soo gaadhay Magaalada Shiekh  ayaa markii ay soo galeen gudaha magaalada waxay isla oogsadeen hoon qaylo ah oo kala duwan taas oo argagax iyo naxdin ku abuurtay Dadwaynaha Magaalada Shiekh maadaama oo aanay ogayn waxaa gaadiidkan ku dhacay isla markiibana waxay ku soo xoomeen wadada laamiga ah ee dhex mara Magaalada si ay wax uga ogaadaan waxa dhacay.
Mid ka mida dareewalada Gaadiidkan oo Magaciisa noogu sheegay Axmed Cabdi oo aanu la kulanay ayaa nooga waramay sida ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “illaa saaka waxaanu ku xayirnayn kaantaroolka hoose ee Shiekh anaga oo sidna xoolo nool oo aan iyagu u adkaysanayn in bacad la joojiyo,waxaa nala waydiiyay lacag cashuura oo gadhaysa 20,000shl xoolaha aanu sidno qaarbaa liita oo cadceedii u adkaysan waayey,anaga cashuurta waxaa nalgaga soo qaaday Burco cabashadayadan waxaanu u gudbinaynaa maamulka Gobolka Saaxil.

Mar aanu wax ka waydiinay in ay cashuurtan hore u ogaayeen iyo waxa loogu sheegay in lagu qabanay lacagtan ayaa waxaa uu yidhi “ waxaa nalagu yidhi waxaa lagu hagaajinayaa wadada buurta markaa ma awoodna anagu.”
Waxaa kaloo aanu waydiinay maadaama oo buurtu u baahantahay hagaajin joogto ah iyaguna ay markasta maraan waxaa ay u bixin waayeen,waxaa uu yidhi Axmed walaal waxaa weeye anagu maanu ogayn markii hore laakin waxaa aanu ka cadhoonay muddada itaa leeg ee aanu meesha ku jactadnay.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Shiekh Cabdi Cartan X.Abokor oo aanu isna arrintan wax ka waydiinay ayaa waxaa uu yidhi “arrintaasi way jirtaa maantana waan maqlaayey markaa waa lacag yar oo cadhuur ah oo ay xildhibaanadu ansixiyeen oo aanu ugu talo galnay hagaajinta buurta oo runtii shilkeedu aad u badan yahay markaa gaadiidka qaarna way bixiyaan qaarna way diidaan waana wax u dan ah ayuu yidhi.
Arrintan manta oo ah cabasho ka duwan kuwii la yaqaanay maadama marka ay hoonka isku wada dareen abuurtay jawi argagax leh isla markaana dareewaladu ay daaqadaha baabuurta intay madaxa ka soo ridaan ku dhawaaqayey waa sharci daro,ayaan la ogayn waxa ay ku danbayn doonto.
 
[audio:http://www.berberanews.com/wp-content/uploads/2011/08/Sulfa-1.mp3|titles=Ku Naso Fannaankii Sulfa]
Ku Naso Heesta uu qaadayo Fannaandkii Sulfa
 
Khadar Jaamac Xaashi
Berberanews, reporter
Degmada Sheekh