Garoowe (Berberanews)- Maxkamada darajada koowaad ee Magaallada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa toban sano oo xadhig ah ku xukuntay Xeer Ilaaliyihii Gobolka Sool Siciid Cabdi Cali Shire, Guddoomiyihii Maxkamada Degmada LaascaanoodSalaad Ismaaciil Maxamuud iyo Garsoore ka tirsan maxkamada gobolka Sool oo magaciisa la yidhaahdo Fayfle.
Masuulliyiinta maxkamaddu xukuntay, ayay dhawaan koox maleeshiyada maamulka Puntland ka tirsan ka afduubeen duleedka degmada Talleex oo safar shaqo ku ku marayeen xilligaas la qabtay.
Maxkamaddu waxa kale oo ay xukun shan sanadood oo ah ku riday afar askari oo masuuliyiintan ilaalo u ahaa, sidoo kalena in dawlada Majeerteeniya maxkamadu u xukuntay ina la wareegaan laba baabuur oo ay lahaayeen Garsoorka gobolka Sool.
Madaxweyne Ku xigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo ka hadlay xukunka masuulliyiinta ka tirsan Somaliland, ayaa sheegay inuu yahay xukun u dhacay cadaalad, isagoo masuuliyiintan ku tilmaamay qaar wadanka khiyaamay oo dhul Puntland ah uga adeegayay wax uu ku tilmaamay cadowga dalkiisa.
Marka laga yimaado masuulliyiinta maxkammadu xukuntay iyo gaadiidkii ay wateen waxa isagu weli ku jira jeelka Garowe Guddoomiyihii waxbarashada gobolka Sool Maxamed Cali Cartan oo aan la xukumin.
Ma jirto wax jawaab ah oo maamulka Somaliland ka bixiyay xukunka masuulliyeenteeda.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com