Qurbojoog Hargeysa ku cadilan oo mudaharaad la hortegay madaxtooyadda, go’aanka xukuumadda iyo garnaqsi dhacay

Hargeysa -(Berberanews)- Qaar ka mid ah qoysas iyo dad qurba-joog ah oo magaalada Hargeysa ugu cadillan diyaarad la’aan kadib markii diyaaradda Air Jibouti oo markii hore dalka keentay joojisay duulimaadyadeedii oo ay dalka iman wayday, ayaa maanta cabasho la hortagay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Qurba-jooga cabashada sameeyey oo ka mid ahaa rakaabkii la socday ilaa 36 duulimaad oo diyaaradda Djibouti Air ay keentay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ka kala yimi Qaaradaha Yurub oo tirada ugu badani ka timi, America iyo Australia, iyagoo wakhtigana u diyaargaroobay sidii ay dib ugu noqon lahaayeen dalalkii ay ka soo xagaabaxeen.
Haseyeeshee, nasiib-darro waxa dadkaasi la kulmeen in diyaaradii ay dib u raaci lahaayeen ee lacagtoodii ka haysay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadeedii oo ay iman wayday muddo dhawr toddobaad ah.



Haddaba, dadkan oo shalay isugu yimi barxadda hore xafiiska wakiilka ka ah diyaaradda Djibouti oo la yidhaa NOBLE Travel Agency & Tour oo ku yaal dabaqa Cimaaratul-khayr ee badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa maantana mudaharaad cabasho ah ka hor sameeyey xarunta Madaxtooyada, iyagoo dawladda Somaliland ka dalbanayey inay wax ka qabato dhibaatada ku dhacday.

Haseyeeshee, Madaxtooyada ayaa qurba-jooga cabanayey ka dalbatay inay guddi metesha iska soo xulaan oo ay kala hadlaan dhibaatada jirta iyo sida lagu xallin karo, waxaanna guddi ka kooban shan xubnood ay kulan saacado qaatay la yeesheen Madaxwyne-ku-xigeenka, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Taliyaha Booliska.
Xubnaha Guddiga matelayey qurba-jooga oo markii kulankaasi dhammaaday barxadda hore ee Madaxtooyada ugu waramay dadka cabanayey iyo saxaafadda, ayaa sheegay in la isku afgartay shirkadda Air Djibouti dadka dib u celiso, kadib markii masuuliyiinta dawladdu si adag ula hadleen xafiisyada shirkadda ee Jabouti iyo Dubai.

Cabdillaahi Baaruud Cige oo ka mid ahaa guddida qurba-jooga cabanayey, ayaa isaga oo ka waramaya natiijada kulanka ay yeesheen, waxa uu yidhi, “Madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirka duulista iyo masuuliyiinta kale ee aannu la kulanay waxaannu uga waranay dhibaatada naga haysata diyaaradda Air Jibouti, kadibna si wanaagsan oo aanay leexleexad ku jirin ayey ula hadleen ninkii lahaa diyaaradda iyo cidii wakiilka ka ahayd, wadahadalkiina waxa uu ku dhammaaday si guul iyo sharafi ku jirto, waxay noo sheegeen in berri (maanta) diyaaraddii imanayso oo la xaqiijiyey, halkii ay Isniinta ka iman jirtayna ay Salaasada ka imanayso sidii caadiga ahaydna way u socon doontaa, sida madaxda iyo ninkii shirkadda lahaa ballanqaaday.”

 

Haseyeeshee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan dheer oo uu xubno ka mid ah qurbojooga kula yeeshay xarunta Madaxtooyadd soo saaray ammar uu ku siiyay shirkadda Air Djibouti  in ay maalinta beri ah diyaarad khaas soo dirto oo ka daadguraysa Magaalada Hargeysa, gaadhsiisana dalka Isutaga Imaaraadka Carabka, si ay halkaana uga sii baxaan, islamarkaana Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddida metelaysay qurbojoogu isku afgarteen in  shirkada Air Djibouti bixiso magdhawga fiisayaashii iyo tigadhii uu wakhtigoodu dhacay intii uu khilaafku socday.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40berberanews.com/INBOX/5771/10?uidval=1231864134

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com