Maxkamada Sare Oo Guddo-gashay Dhagaysiga Dacwada Garabyada Isku Haya Xisbiga UCID iyo doodii dhexmartay dhinacyada

Hargeysa-(Berberanews)- Maxkamada Sare ee Somaliland, ayaa maanta gudo gashay dhegaysiga dacwada Xisbiga UCID ee ay isku hayaan labada garab ee ay kala hogaamiyaan Eng Faysal Cali Waraabe iyo Aadan Maxamed Mire (Waqaf).
 
Fadhigan maxkamada sare ku dhegaysanaysay dacwada UCID waxa Guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaana ka soo qeyb galay oo goob joog-na ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), Muuse Xaaji Maxamed Guuleed (Muuse-inji) oo ka mid ah Garabka Aadan Maxamed Mire (Waqaf), halka garabka kale ee Faysal Cali Waraabe-na ay dhagaysiga dacwadan goob-hoog ka ahaayeen axamed Ibraahim Qabo, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan iyo Maxamuud Cali Madoobe (Jiir).

Maxkamadu waxay dacwada fadhigan ay warbixino ka dhegaysatay dooda qareenada labada garab kala difaacaya oo mid waliba maxkamadda u soo bandhigay dooda sharci ee garabka uu ku doodayaa ay aaminsan yihiin.
Qareen Maxamed Jaamac Cabdi oo ahaa qareenka u doodayay garabka Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa sheegay in Eng Faysal Cali Waraabe uu muddo toban sanadood ah hogaaminayay xisbiga UCID,  isla markaana fursad loo siiyay inuu laba jeer isku sharaxo jagada madaxweynaha loona doortay Guddoomiye-nimada UCID, balse uu ka dhamaaday wakhtigii bishii July ee la soo dhaafay.

Qareenku waxa uu ku dooday in markii Gudida fulintu ay daristay sharciga xisbiga ay magacaabeen gudi ku meel-gaadh ah oo soo qaban qaabiya shirweynihii saddexaad ee xisbiga UCID isla markaana Hogaankani uu ku yimid sifo sharciga Xisbiga waafaqsan.

Sidoo kale, Qareenka u doodayay garabka Eng Faysal Cali Waraabe Barkhad Jaamac Aar, ayaa  isna dhiniciisa sheegay In Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe lagu doortay shirweyne isla markaana lagu bedeli karo oo iyadoo shirweyne la qabto, waxaanu naqdiyay sharcinimada garabka Aadan Waqaf.
Dooda iyo is difaaca labada garab ee ku muransan xisbiga UCID ayaa maxkamada ka socotay muddo saddex saacaood ku dhaw, waxaana Guddoomiyaha maxkamada sare   Yuusuf Ismaaiil Cali uu sheegay inay halkaas ku dhamaatay dhegaysiga dacwada labada dhinac, waxaanu sheegay in Maxkamadu ay go’aan ka soo saari doonto dacwadan.

Amaanka Maxkamada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xidhay wadada hor marta Maxkamada, iyadoo la dhigay ciidamo Boolis ah oo sugayay amaanka.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com