Qadaafi oo fariintii 3aad ee cod ah Taageerayaashiisa kaga Codsaday in Tripoli dib u xoreeyaan

Tripoli, (Berberanews):- Hogaamiyaha dhuumashada ku jira ee dalka Libya Mucaamar Al-Qadaafi ayaa markii sadexaad fariin cod ah oo laga sii daayay telefishan taageera, kaga baaqay in dadka reer Libya difaacaan dalkooda, oo ka xoreeyaan wuxuu ugu yeedhay khaayimiinta iyo jiirarka tuugta ah ee Tripoli qabsaday.
 
Qadaafi ayaa fariintiisan codka ah sidoo kale baaq ugu diray culimadda Masaajidada dalkaas, oo uu ka codsaday inay taageeraan dhalinyarada difaacaya dalka, ee ka xoraynayan khaayimiinta, tuugta iyo gumaystayaasha NATO. Qadaafi waxa uu ku cel celiyay khaayimiinta caasimaddii Libya ee Tripoli u gacan galiyay gumaystayaasha boobaya iyaguna dhuuni raac ay yihiin.

Hogaamiyaha xaruntiisi laga qabsaday Mucamar Qadaafi waxa kale oo uu fariintiisan codka ah, kula hadlay qabiilooyinka dalkaas, oo uu ugu baaqay inay isku soo baxaan oo caasimadda ka saaraan dhuuni qaatayaasha iyo isticmaariyiinta is kaashanaya ee burburinaya dhulka.
 
“Ha ka baqanina duqaynta, dhimashada ee isku soo baxa oo ku dhaqaaqa tuugta, dhuuni qaatayaasha iyo jiirarka isticmaarku dabada ka wado ee qabsaday caasimaddii Libya, ee ka dhigay magaalo la haysto. Ka saara khaayimiinta meel kasta, dumarka iyo caruurtoow soo baxa oo xoreeya Libya.” Sidaa waxa Kolonayl Qadaafi ku yidhi fariintiisi ugu danbaysay ee codka ahayd.
 
Qadaafi oo muddadii afarta maalmood ahayd ee uu ka baxay xaruntiisa Baabu Casiisiya ee mucaaridku qabsaday aan la ogayn meel uu ku sugan yahay, ayaa fariintiisani u ekayd mid ay wali kaga dhegan tahay halkii hore, kamanuu tanaasulin magac dilkii uu mucaaridka ugu yeedhi jiray, sida tuug, dhuuni qaatayaal, jiirarka tuugta ah iyo isticmaarka cusub oo uu ugu yeedho NATO