Tripoli, (Berberanews/Wakaaladdaha wararka):- Tan iyo arbacadii todobaadkii hore markii mucaaridka hubaysan ee dalka Libya qabsaday xaruntii hogaamiyihii qaaradda Afrika iyo dunidda carabta ugu xukunka dheeraa ee Qadaafi waxa marba la helayay oo soo baxayay siro iyo arrimihii qarsoonaa ee la xidhiidhay noloshii Qadaafi.
Mucaaridka dalkaas ayaa markii ay galeen xaruntii hogaamiyihii Libya aanay qiimo badan u yeelan, sawiro tira badan oo ka buuxay albano oo ay xarunta ugu yimaadeen, hasa yeeshee waxay sirtii ku duugnayd sawiradaasi soo shaac-baxday markii ay goobta soo gaadheen war-fidiyeeno iyo dadka baadha arrimaha qarsoodiga ah ee madaxda dunidda.
Haddaba waxyaabihii ugu xiisa badnaa ee dadka u dhuun daloola arrimahaas aynu kor ku soo sheegnay heleen, aadna ugu farxeen ayaa ahayd, alban ay ka buuxaan sawiro boqolaal ah oo dhamaantood ay leedahay haweenaydii xog-hayaha arrimaha dibadda u ahaan jirtay dalka Maraykanka xukuumaddii Bush Condoleezza Rice.
Sawiradan ayaa ahaa kuwo muujinaya ujeedooyinka albankan loogu ururiyay, iyo waxa loo kaydsaday, sida dadka arrimaha qarsoon ee hogaamiyayaasha aduunka ka faalooda ku doodayaan. In badan oo sawiradan ka mid ah, wuxuu Qadaafi la galay haweenaydan markii ay dalkaas booqatay sanadkii 2008-dii, waxaanay ahaayeen muuqaaladaasi kuwii ugu xiisa badnaa ee albankan laga helay, mid ka mid ah sawirada ayaa muujinaya Qadaafi oo salaanta ugu qiimaha badan dhinaca Milatariga siinaya Rice, waxaanu gacantiisa midig saaray wadnaha foorarkiisa.
Sawir kale oo xiiso leh ayaa ahaa sawir wada jir looga qaaday oo laga dheehan karo sida uu Qadaafi ula dhaygagsanaa, haweenaydaas. Dadka fasiraada ka bixiyay sawiradan laga helay qolka Hurdada ee Qadaafi kaliya ma odorosayaan muuqaaladda, laakiin waxay ku ladheen, hadalo amaan ah oo uu kula dul kufay haweenaydaas, wuxuu Qadaafi ugu yeedhay markii Libya ay booqatay sanadkii 2008-kii oo ahayd booqashadii ugu horaysay ee wasiir Maraykan ahii ku tago Tripoli 1958-dii wixii ka danbeeyay magacyo ay aad u jeceshahay oo ay ka mid yihiin Condi iyo Liza.
Mar kale ayuu Qadaafi telefishanka dalkiisa ka sheegay inuu jecel yahay aad-na ula dhacsanyahay siyaasadaheeda, isla markaana ay tahay haweenay afrikaanad asal ah, qurux badan, geesiyad ah aadna u karti badan. Runtii erayadaasi waxay ahaayeen kuwo sheeko reebay. Condoleezza Rice waa haweenay aan la guursan ilaa wali oo da’deedu tahay 57-jir. Sawirada wada jirka ay u galeen waxa wajiga gabadhan laga dareemayaa muusood xishood ku jiro oo muujinaya in waxyaabo badan oo ka xishoodsiiyay jiraan.
Marka laga tago jacaylka kooxahani ku doodayaan inuu Qadaafi u qabay gabadhaa 8-sanadood la shaqaynaysay maamulkii Bush, waxa jira dad kale oo is waydiinaya, sababta uu Qadaafi qolkiisa hurdada u dhigtay albanka boqolaalka sawir ee gabadhani ku jiraan, isagoo xaas iyo caruurtiisa la nool? Jawaabta waydiintan ayaa ah mid aan si fudud loo heli karin, balse cadayn u ah in sabab uu Qadaafi u door-biday jirto, taas oo ka mid ahayd waxyaabihii Qarsoodiga ahaa ee jabka ku dhacay fashiliyay.
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com