Wakaalada Wararka Ee Reuters Oo Heshay Xogo Muujinaya Heshiis Masar iyo Israel ka gaadheen Xuduuda Gobolka Siinaa

Qaahira,(Berberanews/Reuters):-Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa shaacisay heshiis iyo is faham labada dal ee Masar iyo Israel ka gaadheen xuduuda gobolka Siinaa oo ahayd meesha xudunta u ah heshiiskii labada wadan ku soo af-jareen, colaadii u dhaxaysay sanadkii 1979-kii ee lagu gaadhay degaanka Camp David ee magaaladda Washington.
 
Heshiiskan oo aan wali si rasmi ah loo shaacin ayaa xubno ka tirsan sir-doonka dalka Masar oo Reuters uga waramay sheegeen in qodobka ugu muhiimsani yahay xoojinta ciidamadda Masaarida ee ku sugan xuduudka Israel iyo dalkaas u dhexeeya. Xubnaha u waramay wakaaladda wararka oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo, ayaa intaa ku daray in dalka Israel uu sameeyay tanaasul badan, horumarka heshiiskuna dhinacooda ka yimi.

Xuduudka u dhexeeya Israel iyo Masar gaar ahaan gobolka Siinaay ayaa bishii ugu danbeeyay ahaa meel qul qulatooyin dhiig ku daatay ay ka dhaceen, ka dib markii kooxo la sheegay inay aagaas ka gudbeen ay dhinaca koonfureed ee dalka Israel dad ku laayeen, ka dibna ciidamadda Yuhuuda oo sida ay Israel ku dooday caydhsanaya kooxahaasi ay dileen shan ka tirsan ilaaladda xuduudka ee dalka Masar.
 
Markii dilka ciidamadda Israel u gaysteen askarta Masaarida uu dhacay ayaa mudaharaadyo waaweyn ay shacbi cadhaysani ka sameeyeen, dibadda safaarada Israel ee magaaladda Qaahira, sidoo kale xukuumadda Masar ayaa go’aansatay in safiirka u fadhiya Tel-Aviv ay kala soo baxdo halkaas, talaabadaas oo lagu tilmaamay tii ugu adkayd ee Masar kaga jawaabto dulaan Israel gaysato tan iyo intii ka danbaysay heshiiskii labada dal dhex maray sanadkii 1979-kii.
 
Haddaba heshiiskan ayaa imanaya wakhti ay isa soo tarayaan cabsiyaha laga qabo ammaanka gobolka Siinaay ee dalka Masar oo la sheegay in kooxo islaamiyiin xag jir ah uu gabood u noqday, halis wayna ku noqon karo, saaxiibtinimada labada dhinac.
 
Israel ayaa u muuqata mid dabacsanaan badan ka samaynaysa arrinta, taas oo loo malaynayo inay la xidhiidho awood yaraanta xukuumadda Masar iyo saaxiibkoodi qaaliga ahaa ee Xusni Mubaarik oo meesha ka baxay, waxaanay taasi sababtay in Tel-Aviv ogolaato waxyaabo cusub oo aan ku jirin heshiiskii Camp David lagu gaadhay.
 
Dhinaca kale kooxaha islaamiyiinta dalka Masar ayaa jimcihii oo dhan mudaharaad ka hor samaynayay safaaradda Israel ee magaaladda Qaahira, waxaanay kooxahaas oo ku dalbanayay in safaarada Israel la xidho, safiirkana laga saaro Qaahira ugu danbayntii gubeen calanka dalka Israel. Mudaharaadkan oo kooxaha Islaamiyiintu ka baahiyeen, shabakada Facebook ayaan noqon mid u wayn sidii la filayay, ka dib markii qaar badan oo ka mid ah kooxihii ku baaqay ay saacadihii ugu danbeeyay ka noqdeen.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com