London(Berberanews)- Jariida The Guardian ee ka soo baxda dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa shalay ku daabacday bogeeda hore qoraal dheer oo ay kaga waramaysay Jamuuriyada Somaliland kaas oo ciwaan uga Dhigtay “Somaliland waxay Dumuqraadiyada ku Gaadhay kharash yar iyo Caawima La’aan”, waxaanay ku bilowday sida tan:
“Dalka yar Somaliland ee aan dhaqaalaha badan lahayn ay isagaba hayso dhibaatada abaarahu waxay cawinayaan shacabka Somalia, Somaliland waxay halkaas ku gaadhay iyadoo aan haysan wax Ictiraafa oo aanay ka helin aduunyada inteeda kale iyo wax garowshiiyo iyo caawimaadba ah waana wax cajiiba(Is Truly Impressice).
“Lakiin Somaliland waxay samaysatay dhaqale iyo daganaansho iyadoo aan dhaqaale ka helin dibada waayo? Somaliland waxay ku guulasatay Nabad iyo xasilooni iyo dumuqraadiyada dalkeeda iyadoo aan helin dhaqaale uga yimaad wadamada dibada waayo Somaliland kama heli karto Baanka Aduunka iyo IMF iyo duuq bixiyayaasha wax aduun ah.
“Somaliland waxay wada hadal la gashay qoto-dheer muwaadiniinta iyo gudoomiyayaasha ganacsiga inay taageeraan caawiyaana dalkooda wada-hadalkaasi waxa uu noqday mid midha dhala laguna sameeyo Dastuur iyo siyaasad lagu hago dalka Somaliland.
“Somaliland waxay Madax-banaanideeda la soo noqotay 1991 kadib dagaal qadhaadh oo ay kaga xoreeyeen dalkooda Taliskii Siyaad bare waxayna cagaha u taagtay dal iyo dastuur iyo xukuumad waxaana caawiyey ganacsatadeeda, Somaliland waxa ay samaysay Cashuur ururin iyo dhaqaalaha ka soo gala dakada kaliya ee ay leedahay lacagta cashuurtu waxa ay gaadhasaa $30m sanadkii halkanay ka hesho inka badan $100m aid organisations, Hadii Somaliland dhibaatadaa ku jirto xaq ma u ledahay inay hesho caawimo.
Somaliland waxay noqotay Dal dumuqraadiya leh nidaamka xisbiyada badan iyo Baarlamaan Madaxbaanaan oo loo tartamo marba qolada laga guulaystaa ay si nabad galyo ah ugu wareejiso kuwa guushu raacday iyo hay’ada doorashooyinka oo ka madax banaan dowlada oo heer Qaran ah, Waxaa wax lala yabaa iyo macjuso ah inay Somaliland soo martay doorasho Madaxtooyo oo lagu kala sareeyay 80 cod oo kaliya, taasoo anay ka dhicin wax dhibaato iyo dagaalo ahi ayna yar tahay inay ka dhacdo qaarada Afrika, sidoo kale Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa si xarago leh ugu wareejiyay taladaii dalka ka dib markii uu ka guulaystay hoggaamiyihii xisbigii Mucaaridka ahaa ee Kulmiye ee isla markaana ahaa Murashaxa Xisbigaasi Axmed Maxamed Siilaanyo doorashadii dalka ka dhacday sanadkii hore badhtamihiisii,
“Halka ay xukuumadu isku dayday inay kor uqaado dhaqalaha dalka iyo Wwaxbarashada hoose iyo dhexe oo ah mid lala yaabo kana dhigtay bilaash waxbarashada taasoo kor ugu qaaday dhinac kasta.
Hada Somaliland waxa ku soo fooleh cunta yaraan waxayna h’ayada cuntaada aduunku ku dartay Somaliland wadamada ay cunta yarantu ka jirto, Somaliland waxay kibrad iyo aqoon dheeriya u leedahay maamul wadaaga iyo sida loo maamulo dhibaatooyinka dabeeciga ah waxayna Somaliland u eeg tahay wadamada casiraga ah waxayna dhaqalaha u samaysaa si macguula.
Dadka muwadiniintaa ayaa iyana dhaqaale galiya dalkooda aan la aqoonsanayn si ay u maalgaliyaan dalkooda hooyo ugana dhigi lahaayeen Dal hodana oo Dumuqraadiya.Waxa aynu hubnaa inayna xumayn caawimada, Waxa laga wada hadlayaa caawimada iyadoo loo eegayaayo mid iyo mid sida wadanka Nigeria halka dowladu ay awood u ledahay Saliida ayna gaadhin muwaadiniinteeda,Wadamada badan ayaa toos ugu tiirsan caawimada sida 16 Dal ee loo yaqaan Sub Saharan Country dhaqalaha la siiyaa u dhigmo 50% kor ayaa loo qaday 10 kiiba 75% hadii qiyaasta iyo tayaynta Dalalkaasi –Waayo Somaliland waxay khibrad dheer iyo aqoon u leedahay inay ku guulasato waxay ila tahay kiiskani wakhti dheer lacag yar lagu bixiyaa waxay samaynasaa wax badan oo fiican.